Talaado, August, 01, 2017 (HOL) – Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in ay soo gabogabeeyeen kaar qaadashaddii labadda gobol ee ugu dadka badan Somaliland ee Maroodi jeex iyo Togdheer.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay gudoomiye Iimaan in goboladda harsan ee Sool iyo Sanaag in ay kaar qaarashadu ka bilaabmi doonto August 12-keedda.
“Waxaa inoo soo gabogabowday labadi gobol ee ugu weyna ee ay diiwaangaliyeyaashii isdiwaangaliyeen oo ay gacantooda ugu jirto kaararkii ay ugu codeyn lahaayeen, waxa ay ahaayeen arin qaran oo dastuurku idin siiyey inaad wax doorataan”ayuu yidhi Iimaan.
Mar uu ka hadlayey labadda gobol ee hadhsan waxa uu yidhi “Komishanka doorashooyinka
wuxu u baxayaa gobolka Sanaag iyo Sool, waxaanu daah furi doonaa maalin khamiis
ah oo labadda caasimadood ee labada gobol ka shaacin doona wakhtig aay
bilaabmayso oo ah bisha August 12-keedii, gobolka Sool waxa la dhigi
doonaa 177 goobood, gobolka Sanaag 173
goobood marka laga reebo 13 kii goobood ee xeebta ee mar lala bilaabay gobolka
Saaxil iyo Awdal, waxaan ku boorinaynaa in bisha 8aad, 12 keeda qof
waliba kaadhkiisa u doonto halkii uu iska diiwaangaliyey.”
Waxaa iyaguna soo dhoweeyey wakiilada u fadhiya xarunta Komishanka doorashooyinka
saddexda xisbi.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland