Arbaco, May ,31, 2017 (HOL) - Munaasabad xariga looga jarayay dhismaha cusub oo ay yeelaneyso Jaamacada Galguduud University ee degmada Caabud-waaq ayaa waxaa ka qeyb-gallay wasiiru-dowlaha wasaarrada waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, guddoomiyaha Jaamacada umadda Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale.
Guddoomiyaha Jaamacadda Galgaduud University ayaa ugu horayn tilmaamay in Jaamacadda ay dabooli doonto baahiyaha dhinaca tacliinta sare ee ka jirta degmada, uuna ku faraxsanyahay in xariga laga jaray Jaamacadda.
Madaxwaynaha Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale iyo Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya ayaa xusay in Jaamacaddu ay door muuqdo ka qaadan doonto sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka.
Wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliin sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Muxamuud Cabdulle ayaa sheegay Caabud-waaq ay sameysan sida uu hadalka u dhigay hormar dhinaca waxbarashada ah.
Ugu danbayntii ayaa waxaa goobta lagu dhagax dhigay Masaajid loo dhisayo Jaamacadda Galgaduud sida uu sheegay Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]










