
Arbaco, May ,31, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka xeebta ah ee dalka Kenya Jasiirada Lamu, ayaa sheegaya in ay dhinteen Afar askari oo ka tirsan ciidamada booliiska iyo dad shacab ah kaddib markii qarax lagu weeraray gaari ay la socdeen.
Warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidamada booliiska ayaa sheegay in uu jiro khasaare ballaaran oo ka dhashay qaraxa oo ahaa mid lagu bartilmeedsaday gaari ay la socdeen ciidamada.
Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda qaraxan, ayaa sidoo kale sheegatay inay ku dileen toddoba askari.
Dhawaanahan ayaa waxaa sii kordhayay qaraxyada ka dhacaya dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xuduudda dalkaas uu la wadaago dalka Soomaaliya.
25kii bishan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa ku dhimatay laba kalana dhaawacmeen kadib markii gaari ay wateen ay la qaraxday miino loo dhigay. bishan.
Sidoo kale, Sideed ka tirsan ciidamada booliiska Kenya ayaa ku dhintay weeraro kala duwan oo 24-kii bishan ka dhacay deegaanka SIMO oo u dhow Carabiya iyo wadda isku xirta deegaanada Liboi iyo Kulan , kuwaasi oo dhammaantood ka tirsan gobolka Waqooyi Bari.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]