Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan

 

Arbaco, May ,31, 2017 (HOL) - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab isku dhiibay ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow wasiirka wasaarrada warfaafinta ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay ku sheegay in sarkaalka isa soo dhiibay ee ka tirsanaa Al-shabaab ka howlgali jiray gobolka Mudug.

Magaciisa ayeey dowladda ku sheegtay sarkaalkan isa soo dhiibayy Bishaar Muumin Faarax oo gaar ahaan ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ee deegaanka Xarardheere.

Taliyaha Guutada 52-aad ee ciidamada Somalia Jeneraal Maxamed Axmed Tereedisho ayaa VOA u xaqiijiyey isa soo dhiibista, waxaana uu sheegay in sarkaalkan uu watay laba qori oo AK 47 iyo rasaas badan.

Jeneral Tereedishe ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalka gacantooda soo galay uu Hiiraan u joogay in uu howlgalo dagaal uu ka fuliyo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramaadan, waxaana uu intaa raaciyay in ay dhabar jab weyn ku tahay kooxda Al-Shabaab tallaabadan uu qaaday Bishaar Faarax Muumin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]