80 Qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Kabul


Arbaco, May ,31, 2017 (HOL) – Qarax khasaare ballaaran geystay ayaa ka dhacay Irida hore ee Madaxtooyada dalka Afghanistan subaxnimadii hore ee Arbacadii maanta.

Qaraxa oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay gaadiid hor yaallay madaxtooyada dalkaasi, iyadoo goobta uu isqabsaday qiiq iyo Uuro madoow oo cirka isku shareertay.

Meesha uu qaraxa ka dhacay waxaa ka dhaw Safaarado badan, balse waxaa si gaar ah uga dhaw Safaarada Germany ee dalkaasi ku leedahay.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay qaraxaasi in ay ku dhinteen inta hadda la ogyahay 80 ruux, halka dhaawaca uu ka badan yahay 300 ruux oo isugu jira shaqaalaha dowladda iyo dad rayid ah oo maraayay wadada.

Xilliga qaraxa uu dhacaayay, ayaa wadada waxa ay aheyd mid mashquul badan, waxaana dhoobnaa gaadiid badan oo qaarkood wadada hareeraheeda yaalay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, waxaana socda gurmadka dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxa oo loo daabulaayo goobaha caafimaadka ee Magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]