Dowladda Sacuudiga oo lacag ugu deeqday Soomaaliya

 

Arbaco, May ,31, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dawladda Sucuudiga ay lacag badan ugu yaboohday Soomaaliya.

Madaxweeynaha oo khudbad ka jeedinayay magaalada Cadaado ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay weydiisatay Sucuudiga lacag badan oo dhan $4 bilyan oo doollar, waxaana uu intaasi ku daray in Sacuudigu aysan ka diidin codsiga ay soo jeediyeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudnaanta ugu horraysa ee lacagtaasi ay tahay dhismaha garoon diyaaradeed iyo dib u dhiska xarrumaha dawladda.

Dhinaca kale mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in garoonka haatan uu leeyahay nalalka waddada garoonka kuwaasi oo diyaaradaha u saamaxaya inay habeenkii soo degi karaan. Hawshan ayaa la hirgeliyey toddobaadkan.

Garoonka diyaaradaha ayaa la sheegay in maalintiiba ay soo degaan ilaa 30 diyaaradood oo ka yimaada dibedda iyo gudaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]