10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2017
Maamulka K/galbeed oo soo bandhigay rag dil ka geystay magaalada Baydhabo

 


Sabti, June, 17, 2017 (HOL) – Ciidamada Booliiska maamulka K/galbeed ayaa magaalada Baydhabo ku soo bandhigay saddex ruux oo habeen hore ku dilay masjid ku yaala magaalada Sheekh Caan ka ahaa deegaanka.

Arintan ayaa ka danbeysay kaddib howlgal ay wadajir u sameeyeen ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugida maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada booliiska ayaa sheegay in soo qabashada raggan ay ku suurtagashay, kaddib markii ay booliiska gacanta ku dhigeen mid ka mid ah, kaasoo markii danbe farmuuqay labada kale.

Raga la soo qabtay ayaa la sheegay in Sheekh Maxamed Deyr ku dhax toogteen gudaha masjid ku yaala Baydhabo, taasoo noqotay dhacdo ka yaabisay dadka magaalada.

Raggan ayaa la sheegay in la horgeyn doono maxkamada ciidamada qalabka sida, laguna qaadi doono dacwad la xiriirta danbiga ay galleen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]