Sabti, June, 17, 2017 (HOL) –Xeer ilaaliyaha ciidanka Boliiska ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Maxamuud Cilmi, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay shan dhallinyaro ah oo horay u dilay afar ruux oo xoolo dhaqato aheyd.
Dilka afarta ruux ee xoolo dhaqatada aheyd ayaa waxaa uu ka dhacay miyiga Gobolka Mudug.
“Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanayaasha ayaa waxaa uu ka dhacay miyiga Jariban, waxaana dhallinyaradaasi lagu eedeynayaa in ay dileen afarta qof ee xoolo dhaqatada aheyd”, sidaasi waxaa yiri xeer ilaaliyaha.
Dhinaca kale mudane Maxamuud ayaa hadalkiisa sii raaciyay in maleeshiyaadka lasoo qabtay ay dagaal adag la galeen ciidanka Booliiska ah ee soo qabtay.
Xeer ilaaliyaha ciidanka Boliiska ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Maxamuud Cilmi, sidoo kale waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay in ay cadaalada hor geyn doonaan shanta ruux ee ay hadda gacanta ku hayaan.
Hassan Istiila, Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia