Djibouti iyo Eritrea oo qarka u saaran in ay dagaalamaan

 
Sabti, June, 17, 2017 (HOL) –Kadib markii dowladda Qadar ay ciidamadeeda Nabad-ilaalinta ay kala soo baxday xadka u dhexeeya waddamada Jabuuti iyo Eritrea, ayaa waxaa arrintaasi xiisad ay ka dhex abuurtay waddamada Djibouti iyo Eritrea.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qatar, wax sabab ah kama uusan bixin, balse arrintan ayaa imaaneeysa xili cunaqabateen la saaray xukuumadda Doha.

Wasiirka arimaha dibadda Djibouti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ku eedeeyey dalka ay deriska yihiin ee Eritrea in ay ciidamo geysay xadka ay ku muransanyihiin labada dal.

Wasiirku wuxu sheegay in Djibouti doonayso in khilaafka lagu dhameeyo si nabad ah laakiin ay diyaar u tahay dagaal hadii laga fursan waayo.

Djibouti iyo Eritrea ayaa ku dagaalamay soohdinta u dhaxaysa sannadkii 2008-dii, hase ahaatee waxay markii dambe aqbaleen in Qatar dhexdhexaadiso oo ay ciidamo nabad ilaalin ah u soo dirto.

Djibouti waxay xulafo la tahay reer galbeedka oo waxaa dalkeeda saldhigyo ciidamo ku leh Faransiiska iyo Maraykanka.

Sida laga soo xigtay hay’adda UN Monitoring group, dowladda Qatar ayaa 200 oo askari ay ka joogeen xadka labada wadan, kuwaas oo nabada ilaalinaya. Sidoo kale ciidamada ayaa ka qeyb-qaadanayay wada hadalo iyo dhex-dhexaadin.

Dowladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la'aan ka wado gobolka.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba, sida wakaalladda wararka ee dalkasi ay sheegtay.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia