Duqa Magaaladda St Paul Chris Coleman oo ka qaybgalay Afur ay Sameeyeen Masjidka Abuubakar Minneapolis


Sabti, June, 17, 2017 (HOL) –Kulamo lagu baro diinta Islaamka dadka aan Muslimiinta aheen ayaa sanadkiiba labo jeer lagu qabtaa masaajidkaan Abuubakar A Sadiiq ee ku yaal magaaladda Minneapolis, waxaana lagu casuumaa dadka dariska la ah masaajidka iyo madaxda kala duwan ee la soo doorto , waxaaiayguna loo yeeraa madaxda kala duwan ee kaniisadaha iyagoo loo sharaxo diinta Islaamka.

 Hadaba Kulankii Habeen hore dhacay ayaa ahaa mid aad u balaaran marka loo eego ajaanibta kala duwan ee ka soo qaybgashay  kaas oo ugu horeeyo Duqa Magaaladda St Paul Chris Coleman iyo madax ka kala socotay ururda Diimaha kala duwan.

Maamulaha Masaajidka  Abuubakar ee martida loo ahaa Cabdulahi Axmed Faarax oo la yaqaan Cabdiwaajid ayaan waydiinay waxa ay uga gol lee yihiin in intaan oo muslimiin aheen oo waliba  kala duwan inay isku keenaan ,waxuuna ku jawaabay iyadoo ay batay islaam nacaybka Maraykanka dhexdiisa ayaan rabnaa dariskeena inaan u sharaxno waxa ay diinteenu tahay ku kalana war qaadano ayuu yiri Cabdiwaajid.

 

Mayorka St Paul Chris Coleman oo jeediyey khudbad aad u dheer ayuu waxuu ka hadlay in loo baahan yahay in la soo dhaweeyo Muslimiinta ,in meel adag looga soo jeesto dadka wada islaam nacaybka , waxyaabaha ka socda dalkaan Maraykan Meelaha qaar ka mid ahna ma soo dhaweenayno buu yiri hadaan nahay dadka Minnesota, waxuu amaanay dadka Minnesota waxuuna faray inay garab u noqdaan dadka Muslimiinta ah ee la dagan.

Dadkii goobta ku sugnaa ayaa loo sharaxay diinta Islaamka waxa ay tahay waxaana casharadii loo jeediyey kadib ay suaalo ka waydiiyeen Sh. Cumar Cabdiraxiim iyo Sh Shugri Soomow oo darsinka bixinaay.

Madaxda kala duwan ee gobolka iyo kuwa xukuma magaalooyinka ay Soomaalidu ka dagan yihiin Minnesota ayaa garab istaag xoogle mar walba u muujiya muslimiinta dagan Minnesota cod dheerna ku sheega inay horumar wayn gobolka ku soo kordhiyeen.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis MN