
Sabti, June, 17, 2017 (HOL) –Madaxda howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in ay xasilin doonnaan ammaanka dalka Soomaaliya, iyadoo ay sii kordhayaan weerarada Al Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya.
Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliy Amb Francisco Madeira, ayaa sheegay in ciidamada Qaranka Soomaaliya ay sidoo kale adkeynayaan ammaanka kana hortagaan weerarada Al Shabaab.
Wakiilka ayaa dhawaan cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen makhaayada Pizza House ee ku taalla degmadda Hodan ee magaalladda Muqdishu, halkaasi oo ay ku dhinteen in kabadan 25 qof oo rayid.
"Mar labaad, argagixisada, ayaa si fuleynimo ah u beegsaday dad shacab ah oo makhaayad ku sugnaa, iyaga oo adeegsanaya gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana halkaasi ay ku dileen kuna dhaaweceen dad rayid ah”, ayuu yiri Ambassador Madeira.
In ka badan 22,000 oo nabad-ilaaliyeyaal ah ayaa ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika kuwaas oo taageeraya dib u soo celinta, nabadda iyo xasiloonada Soomaaliya, sidaa darteed hadafkooda sharafta leh wax ba gaarsiinmayso falal gurracan oo ay ku kaceen koox yar.
Hassan Istiila, Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia