
Khamiis, July, 27, 2017 (HOL) – Guddi baarayaal ah oo ka
socday Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga ka
danbeeyeen duqeyntii lala eegtay Doon ay saarnaayeen tahriibayaal Soomaaliyeed
oo marayey xeebta degmada Xudeyda ee Yemen bishii March ee sannadkan.
Warbixin qarsoodi ah oo ay Reuters heshay ayaa xaqiijinaysa in weerarka oo lagu
dilay 42 Soomaali ah, islamarkaana lagu dhaawacay 32 kale ay ka dambeeyeen
diyaaradaha dagaalka xulafada Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda
Xuutiyiinta Yemen.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Sacuudiga iyo Is-bahaysigiisa kaliya awood u
leeyihin adeegsiga diyaaradaha helicopter ah ee hubaysan, marka la barbar dhigo
dhinaca kale ee Xuutiyiinta dagaalka kula jira oo iyagu aan haysan diyaaradaha
dagaalka.
Sida warbixintu ku warrantay Doonta la weeraray ayaa waxaa saarnaa in ka badan
140 ruux oo tahriibayaal Soomaaliyeed ah, waxaana ka badbaaday 66 ruux, halka
74 kale ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay.
Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallamaya dalka Yemen ayaa hore u
beeniyey inay iyagu beegsadeen tahriibayaashaasi Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay
weerarka duqaynta ah,balse warbixinta haatan soo baxday ayaa xaqiijisay in
dadkaasi rayid ah lagu beegsaday hub laga soo ganay diyaarad helicopter ah oo
ay leeyihiin is-bahaysiga Sacuudiga.
Warbixinta oo ka kooban 185 bog ayaa loo gudbiyey Golaha Ammaanka QM maalintii Isniinta ee la soo dhaafay,waxaana lagu faahfaahiyey dhammaan
raadadka la xiriira dhacdadaasi xasuuqa ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online