Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

 

Khamiis, July, 27, 2017 (HOL) – Danjiraha cusub ee Soomaliya u qaabilsan Qaramada Midoobey Abuukar Maxamed Cismaan [Abuukar Baalle] ayaa warqadihii aqoonsiga u gudbiyay xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres.

Abuukar Max’ed Cismaan Danjiraha cusub ee dowladda Soomaaliya u magacaawday Qaramada Midoobey ayaa warqadihii aqoonsiga Danjire-nimo guddoonsiyay xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres Arbacadii shalay.

Danjire Abuukar Max’ed Cismaan ayaa sheegy in uu xoojin doono xiriirka in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka Diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya QMiyo dowladda Soomaaliya.

“Waxaa Warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Antonio Guterres xog-hayaha guud ee QM’ waan ku faraxsanahay in aan xilkan Soomaaliya u qabto, horey waxaan xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii dalka Soomaaliya soo maray’’ ayuu yiri Abuukar Baalle.

Danjiraha cusub ayaa horay u soo noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ka hor inta aan xilkan loo magacaabin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]