
Khamiis, July, 27, 2017 (HOL) –Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in ay jiraan, dad haddii boqol shey oo wanaaga ah la sameeyo aan ka hadleynin oo wax yar haddii ay dhacaan si xun u fasiraya, sida hadalka uu u dhigay.
Taliyaha ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu ka hadlayay isku-dhacyo shalay magaalladda Muqdishu ku dhexmaray ciidammo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.
“Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo qaarkood ku jira dowladda oo dhararsanaya magaalladda Muqdishu in ay wax ka dhacaan oo dhahaya maanta magaalladda Qarax kama dhicin, dad laguma dilin. Waxey wal-wal iyo deg-deg u qabaan in magaalladda dhibaato, shil iyo gumaad uu ka dhaco”.
“Waxaa jira dad xasaanad ku gabanaya oo u heysta xasaanada in ay wax walba ka dabooleyso. Waxaa jira xuriyatul-qoolka waxyaabo aan laguu oggoleyn, oo ay kamid tahay kacin dad-weyne, wax u dhimida danaha Qaranka iyo nabad-gelyada Qaranka.
Taliyaha ayaa sheegay haddii dadkaasi aysan ku hadlin karin kheyr in ay iska aamusaan, waa sida hadalka uu u dhigay.
Isku dhacyadii ciidamada dhexmaray waxaa ku geeryooday ku dhawaad shan askari. Mid kamid ah iska hor imaadyada waxaa uu ka dhacay nawaxiga xaruunta Murtida iyo Madadaalada ee National Threat, waxaana lagu dilay Taliye ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jiijiile).
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia