Maamulka Khaatumo oo ka digay in la carqaladeeyo wadda hadallada ay la leeyihiin Soomaaliland
Khamiis, July, 27, 2017 (HOL) - Wasiirka Amniga maamulka Khaatumo Keyse Cabdi Yuusuf ayaa ka
digey shir la sheegay in lagu qaban doono Buuhoodle, kaas oo lagaga arinsan doono
mustaqbalka maamulka Khaatumo kaddib markii wadahadallo u bilaawday Khatumo iyo
maamulka Soomaaliland.
Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in
aan la aqbali doonin shir lagu carqaladaynayo wadahadalada u socda Somaliland
iyo Khaatumo.
Keyse oo la hadlayey ciidamo
wadajira oo Somaliland iyo Khaatumo ka kooban kuwaas oo uu sheegay in diyaar u
yihiin in ay ka hortagaan cidkasta oo wada shir lagu carqaladaynayo
wadahadalada.
"Dadka shirkaa wadaa waxa ay
doonayaan in ay qalalaase ka dhaliyaan Buuhoodle, anagaa Buuhoodle iskaleh
ogolaana mayno, waa kuwan ciidamadii oo wadajir ah, ciidankan waa Somaliland
waxaana wata kabtan Jaamac Aadan" ayuu yidhi Keyse.
Hadalka wasiirka ayaa waxaa keenay
markii khilaaf ka dhex dhashay maamulka Khaatumo, kadib markii wadahadalada
socda uu bilaabay Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh, kadibna ay ka soo
horjeesteen qayb uu Hurmuud ka yahay ku-xigeenkiisii Cabdala Cagalule oo shir
ku qabtay magaalada Muqdisho kuna baaqay shir beeleed Buuhoodle ka dhaca.
Dhinaca kale waxaa si weyn laysu weydiinayaa
halka ay Ku danbeeyeen wada hadaladii uu Prof. Galayr sheegay in aan dib loo
dhigi Karin oo maanta mudo dhaaf aan cudurdaar lahayn mardanbe aan la soo hadal
qaadin.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool