10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 27, 2017
Dibadbax maanta ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho


Khamiis, July, 27, 2017 (HOL) – Dadweyne ka careysan dilka sarkaal ka tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya oo maalintii shalay ku dhintay iska horimaad magaalada Muqdisho ku dhaxmaray ciidamada dowladda ayaa xiray waddada Maka Al-Mukarama.

Dadka oo isaga kala yimid xaafaddaha magaalada Muqdisho ayaa gubayay Taayaro, iyaga oo sidoo kalana dhagaxnaan ku xiray waddada, taasoo hakad ku keentay isku socodkii gadiidka.

Dadka ayaa ku qeylinayay in cadaallada la horkeeno askartii ka danbeysay sida ay hadalka u dhigeen dalkii Ciise Jiijiile iyo saddex ilaaladiisa ah oo ku dhintay iska horimaad dhaxmaray ciidamada dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kula la yeeshay hay’addaha amniga ayaa guddi u saaray in baaritaan lagu sameeyo siddii uu u dhacay falkii shalay oo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]