
Khamiis, July 14, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa 47 Askari u diray Magaalada Juba ee xarunta dalka Koonfurta Suudaan, si ay u ilaaliyaan Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay iyo Shaqaalaheeda.
Xukuumadda Washington ayaa sidoo kale sheegtay in dalka Jabuuti ay diyaar ku yihiin 130-Askari oo dheeraad ah, kuwaas oo loo diri doono South Sudan haddii Xaaladdu kasii darto.
Ciidamadan uu Mareykanku u diray dalka Koonfurta Suudaan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo uu waddankaas u diro, iyadoo xalaadda JUBA aanay ahayn mid colaad iyo mid nabadeed.
Sidoo kale, Dagaalladii Maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Juba iyo Hareeraheeda ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen 200-qof oo inta badan ahaa dhinacyadii Dagaallamayay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada madaxwyne ku xigeenka Dalka South Sudan, Riek Machar ayaa la sheegay inay isaga baxeen Fariisimihii ay ku lahaayeen Caasimadda oo dhan, isla markaana uu Machar la socdo.
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Marykanka iyo waddamo kale oo caalami ah ayaa ugu baqay Mas'uuliyiinta dalka Koonfurta Sudan inay xaaladda dajiyaan, isla markaana la joojiyo colaadda, si aanu dalkaas mar kale dagaal sokeeye ugu laaban.
Magaalada Juba ee Caasimada Dalka Koonfurta Sudan ayaa la sheegayaa in laga saarayo Ajaanibtii ku sugnaa, maadaama ay jirto cabsi ku aaddan in dagaallo sokeeye ay dalkaas dib uga qarxaan.
Ugu dambeyn, Garoonka Diyaaradaha Juba aysan xilligan tagin diyaaradihii ganacsiga ahaa iyo kuwii rakaabka ahaa ee maalin walba ka degi jiray garoonka Magaaladaas.
Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya