Golaha Wasiirada Jubbaland oo Ansixiyay in la sharciyeeyo dhulalka sharci-darada ah ee la dagay
Khamiis, Luuliyo 14, 2016 (HOL)-Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiirada Jubaland oo uu shir gudoominayay madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayay uga hadleen arimo la xiriira dhulalka sida sharci darrada ah loo degay burburkii dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Xaafadda Guulwade, Xeradii hore ee Mariiniska iyo xaafadda Daabyaanbo oo dhammaantood ah xaafado ballaaran oo ay daganyihiin qoysas tiro badan ayaa looga dooday kulanka sidii laga yeeli lahaa, maadaama la degay wixii ka danbeeyay burburkii dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Golaha wasiiirada ayaa isku afgartay in xaafadahaasi maadaama ay shacab tiro badan daganyihiin in la sharciyeeyo loona sameeyo qorshe dhanka wadooyinka iyo hab dhismeedka xaafadnimo.
Wasiirka warfaafinta Jubaland C/nuur Cali Aadan oo warbaahinta u faahfaahiyay waxyaalaha la isku afgartay ayaa sheegay in xaafadahaasi la isku afgartay in dowladdu sharciyeeyso, qoysaska deganna ay isa soo diiwaangelin doonaan kadib la siin doono sabarloogo, sidoo kale waxa uu sheegay in dhulalka Obosiibka loo yaqaan ee ay shacabka iska dageen iyaguna sidaa si lamid ah loogu sharciyeeyn doono marka laga reebo xarumaha ay u baahtahay dowladda oo uu xusay in aan iyagu gorgortan laga gali doonin oo laga saari doono hadii ay baahi soo gasho.
Magaalada Kismaayo ayaa xilligii ay dhisnayd dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa ay ka koobnayd afar xaafadood, waxaa kusoo korortay xaafadda Guulwade oo kamid noqotay xaafadaha ugu ballaaran ee magaalada taa oo ay dadku si sharci darro ah u dageen kadib burburkii dowladda.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- UGAAS XASAN: Waxaan IGAD u sheegnay in aanan ogoleyn Maamul loo dhiso Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe (DAAWO)
- Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Waddamada Afrika oo ku kulansan Magaalada Kigali ee Rwanda
- SAWIRRO: Beesha Caalamka oo laga dalbaday inaysan Xaq-darro ku Taageerin Hoggaanka Dalka
- Golaha Wasiirada Somalia oo Maanta ka hadlay weerar lagu qaaday saldhig ay Al-shabaab lahayd
- Nin Oday ah oo Xalay lagu Gowracay Deegaanka Luuq-Jeeloow oo ka Tirsan Gobolka Hiiraan
- Nin Al-shabaab Dagaalyahannada u Qori jiray oo Askar Keenyaan ah ku laayay Galbeedka Kenya
- Nabadsugidda Somalia oo Sheegtay in Muqdisho ay ku Qabatay Gaari lagu Qarxin lahaa Hoteel
- Mareykanka oo Magaalada Juba ee Dalka South Sudan u Diray Ciidammo Ilaalilya Safaraaddiisa
- Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Ingiriiska Theresa May oo ku Dhawaaqday Wasiirro Muhiim ah
- WARBIXIN: Casharadii Laga Bartay Weerarkii Ceel Cadde