Nin Oday ah oo Xalay lagu Gowracay Deegaanka Luuq-Jeeloow oo ka Tirsan Gobolka Hiiraan


Khamiis, July 14, 2016 (HOL) —  Rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa ku gowracay habeenimadii xalay dulleedka Magaalada Beledweyne nin  lagu magacaabi jiray Cali Sanbuur oo siweyn looga garanayay magaalada iyo deegaannada ku dhaw-dhaw.

Dilkan, ayaa wuxuu ka dhacay sidda ay eheladiisa sheegeen meel aan wax badan ka fogeyn deegaanka Luuq-Jeeloow ee gobolka Hiiraan.

Marxuumka ayay eheladiisu sheegay inuu ahaa shaqaale ka tirsanaa hay'ad maxali ah oo ka howlgasha gobolka, laakiin lama garanayo sababta uu u tagay goobta lagu dilay.

 Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta Maamulka ayaa sheegaya in Dilkiisa ay ka dambeeyaan Al-Shabaab, isla markaana la shirqoolay ka hor inta aan la dilin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne,Soomaaliya