UGAAS XASAN: Waxaan IGAD u sheegnay in aanan ogoleyn Maamul loo dhiso Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe (DAAWO)


Khamiis, July 14, 2016 (HOL) —Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo shir jaraa'id maanta ku Qabtay magaalada Beledweyne, ayaa ka hadlay dhawr Arrimood dhowr ah, gaar ahaan shirkii natiijo la'aanta kusoo dhamaaday ee dhawaan dhaxmaray duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan iyo wafdi ka socday urur gobolleedka IGAD.

Ugaas Xasan - ayaa sheegay in ay Saraakiishii ka soctay Ururka IGAD si cad ugu sheegeen mowqifkooda ku aadan dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.

''IGAD waxba iskuma qarin waxaan si cad ugu sheegnay inaannan ogolaan doonin maamul loo dhiso labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Dadka marka uu wada-hadal Dhax-maro ama way is-fahmaan ama way kala taganaa, marka Anaga & IGAD kulankeenii waan isku-fahmi weynay, wayna naga tageen waxaana leenahay waad mahadsan tihiin'' ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay in wali fara-galin siyaasadeed sidda uu hadalka u dhigay ku heyso gobolka, gaar ahaan wasaarrada Isportiga oo uu ku eedeeyay inay ku howlan tahay Qorshe lagu diyaarinayo Koox Kubadda Cagta ah oo Magaca labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ku cayaara.

Ugaas Xasan ayaa sheegay in diyaar UN-ka leeyahay looga qaaday magaalada Beledweyne afar cayaartooy oo Kubadda Cagta ah, halka Afar kalana sidda uu hadalka u dhigay laga sii maray degmada Buula-burte, kuwaasoo ku biiraya Cayaartooy Reer Shabeellada Dhexe ah, taasoo uu ku tilmaamay arin xad-- gudub siyaasadeed ah.

''Waxaan Rabaa in aan halkaan si cad uga sheegno in Diyaaradihii UN-ka qayb ka noqdeen fara-galinta siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku heyso gobolka, madaama diyaaradahoodii lagu daabulayo cayaartooydan'' ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Mar uu soo hadal-qaaday sababtay Dowladda Federaalka Somalia iyo IGAD juhdiga badan ugu bixinayaan dhismaha maamulka labada Hobol - ayuu sheegay in jiraan qorshayaal kale oo la doonayo in lagu tirtiro magaca Hiiraan.

Ugu danbeyn, Ugaaska ayaa sheegay in fariinta ay Beesha Caalamka Hawadda murinayaan tahay in marnaba duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan aqbali doonin in leysku darro labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe, taa Beddelkeedana Qaadan doonaan mowqif intaas oo dhan ka duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya