Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Waddamada Afrika oo ku kulansan Magaalada Kigali ee Rwanda

Khamiis, Luuliyo 14, 2016 (HOL)-Caasimada Kigali ee Rwanda waxaa kasocda shir ay leeyihiin wasiirada arimaha dibada ee dalalka qaarada Afrika.

Shirkaas ayaa waxaa looga gol leeyahay inuu noqdo mid gogol xaar u ah kulan ay yeelan doonaan madaxda qaaradan Afrika dabayaaqada asbuucaan aanu kujirno.

Arimaha lagu qaadaa dhigi doono ayaa waxaa kujira yeelashada hal baasaboor iyo lacagaha ku baxa midowga Afrika. Qarashka ayaa haatan midowga Afrika waa ururka Midowga Afrikee waxaa bixiya Midowga Yurub.

Haatan waxaa ay ka wada hadlayaan wasiirada arimaha dibadu sidii ay qarash qaaradu soo saarto loogu bixin lahaa ururka Midowga Afrika baddalkii Midowga Yurub mar walba wax laga sugi lahaa.

Wasiirada Arimaha Dibada ee dalalka Afrika ayaa maanta ay u ahayd maalintii shanaad ee ay Kigali kushirsan yihiin.

Shirkaan ayaa ah kii 27aad ee noociisa ah. Qeybtii 1aad ee shirkaa ayaa waxaa lagu furay safiirada Midowga Afrika wadahadalo ay halkaa kulahaayeen.

Sidoo kale ayaa waxaa shirka hareynaya dagaalka mar kale ka qarxay Koofurta Suudaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]