Wasiirkii hore ee maaliyadda Jubaland oo xilka ku wareejiyay wasiirka cusub



Arbaco, Juun 15, 2016 (HOL) —Munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee maaliyadda Jubaland iyo kan cusub ee ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda Jubaland, ayadoo ay ka qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan Jubaland oo uu kamid yahay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Max’uud Sayid Aadan.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Jubaland iyo kuxigeenkiisa ayaa xafiisyada kala duwan ee wasaaradda kusoo wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda Jubaland, ayagoo warbixinno kala duwan ka siiyay waaxaha ay ka koobantahay wasaaradda iyo waxyaalaha ay qabtaan.

Ibraahim Xasan Cabdi (Baajuun) wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Jubaland oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in mudadii uu xilka hayay uu wax badan ka qabtay sidii uu u tayeyn lahaa wasaaradda, wuxuuna intaa ku daray in ay dhameystirantahay wasaaradda maaliyadda oo ay si habsami leh u shaqeeyso.

Wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda Jubaland C/Rashid Jire Qalinle ayaa u mahadceliyay howlwadeennada wasaaradda waxqabadkooda mudadii ay xilka hayeen.

“Nidaamka maaliyadeed ee Jubaland wuxuu ku koobnaa Kismaayo, waxaan gaarsiin doonaan gobollada kale ee xorta ah ee Jubaland, laga soo bilaabo Dooloow ilaa Raaskaambooni,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Max’uud Sayid Aadan oo ugu danbeyntii goobta xil wareejinta ka hadlay ayaa u mahadceliyay masuuliyiintii hore ee wasaaradda maaliyadda, isagoo xusay in uu ku faraxsanyahay in uu goobjoog ka ahaa xil wareejinta ayna noqoto shaqadii ugu horeeysay ee uu qabto.

Waxa uu ku booriyay wasiirka cusub in uu nidaamka maaliyadda ku baahiyo guud ahaan deegaanada Jubaland, islamarkaana dib u howlgeliyo dhammaan kaabayaashii dhaqaale ee ay lahayd Jubaland.

Xasan Nuur, Hiiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.