Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid noqday xubnaha xisbiga Kulmiye ee Somaliland (Sawiro)

Arbaco, Juun 15, 2016 (HOL) — Prof. Axmed Ismaaciil Samatar - oo ah Aqoon-yahan si Weyn looga yaqaanno Soomaaliya iyo Qaybo ka mid ah Caalamka, ayaa shalay ku biiray xisbiga KULMIYE ee talada Somaliland haya, iyadoo tani ay imaanayso xilli uu sheegay dhawaan inuu ka fiirsanayo xisbigii uu ku biiri lahaa.

Kulanka, looga dhawaaqay in Prof. Samatar uu ku biiray Xisbul-Xaakimka Kulmiye, ayaa Waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga, Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in Prof. Samatar uu kusoo biiro xisbigooda, isagoo xusay in Xisbigu hantiyay halyey la hubo inuu wax badan kusoo kordhin doono.

“Xafladdan waa guul u soo hoyatay Somaliland iyo Gobolka Awdal. Waxayna farxad gaar ah u tahay xafladdan xisbiga KULMIYE - oo ku guulaystay wixii ay xisbiyadu u tartameen oo ahayd inuu iska iibiyo oo Prof. Samatar oo codkiisa laga dhegaysato Caalamka oo dhan. Haddaba haddaan kulmiye nahay waxa farxad noo ah in aanu ka Gudubnay Imtixaankii uu Prof. Samatar naga Qaadayay,” ayuu Biixi ku yiri hadalkiisa.

Sidoo kale, Muuse Biixi oo Sharraxayay heshiiska Dhexmaray Kulmiye iyo Samatar, ayaa xusay inay ku heshiiyeeen oo keliya - in inta ka harsan Cimrigiisa uu ka Shaqeeyo Danaha xisbiga Kulmiye iyo tan Somaliland ka shaqeeyo, taasna waanu ka ogolaannay.

“Waxaan kaloo inaga & Prof. Samatar ku heshiinnay in magacayayaga halka ugu horraysa ay tahay Xisbiga Midnimada Somaliland oo uu KULMIYE u Taagan yahay - in Ummaddu noqoto mid keliya, sharcigu sarreeyo, xuquuqaadka loo sinnaado. Waxaanu ku Heshiinnay oo kale in Somaliland ay Nabad iyo Horumarka Harsato,” ayuu hadalkiisa ku daray Muuse Biixi.

Dhinaca kale, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlay Goobta, ayaa ku dheeraaday ka Hadlidda sida uu u Doortay inuu ku biiro Xisbiga Kulmiye, Wuxuuna sidoo kale sharraxay dareenkiisa ku aaddan sida loogu soo dhaweeyay inuu ku biiro xisbiga KULMIYE, Wuxuu kusoo kordhin karo iyo wuxuu ka aamisan yahay sidii lagu horumarin lahaa Somaliland.

“Farxad weyn ayay maanta ii tahay inaan kusoo biiro xisbiga Kulmiye, kamana bixi doonto Qalbigeyga iyo Ruuxdeyda, Waxayna maanta ay iila qiimo tahay Maalintii aan Somaliland dib ugu soo noqday,” ayuu yiri Prof. Samatar, Wuxuuna intaa ku daray. “Waxaan Rabaa in aan caddeeyo inaan goostay talo ah inaan wax kusoo biiriyo ummaddan Somaliland haddii ay ahaan lahayd horumarkeeda iyo sidii ay halkaan ay joogto uga sii Dhaqaaqi lahayd, Dad badan oo bulshada ka mid ah ayaan talo weydiiyay oo aan la sheekaystay, balse waxaan ku faraxsanahay in aan soo gaaray Talo ah inaan Horumarka Somaliland ka qayb-galo, anigoo xubin ka ah xisbiga KULMIYE.”

Ugu dambeyntiina, Waxaa xafladdaas ka hadlay Xubno kala duwan oo uu ka mid ahaa; Ku xigeenka Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil [Saylici], oo si aad ah u soo dhaweeyay kusoo biirista Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ee xisbiga Kulmiye, isagoo rajo ka muujiyay in Xisbigu uu noqon doono xisbiga ugu weyn Axsaabta Somaliland.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya