
Arbaco, Juun 15, 2016 (HOL) — Kulanka ay Baarlamaanka Somalia - ku qaadan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee ah fadhiga 18-aad ee kalfadhiga Siddeedaad, Waxaa diiradda lagu saarayaa Qodobo dharw ah oo labaddii kulan ee baarlamaanka aanan dhan loo dheelin kuwaasi oo ah ka mid yihiin wax ka badalka qodobka 136-aad Qaadashada wax ka badalka Dastuurka Somalia inta lagu jiro muddo xileedka Koowaad ee Aqalka Shacabka, Ansixinta Dastuurka kama dambays, Kaasi oo u baahan 184 cod xildhibaan.
Sidoo kale, Waxay ka hadlayaan qodobka 60-aad ee Dastuurka oo ka hadlay Muddada Xil-heynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Inkastoo Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadda qaar ay soo jeediyeen in baarlamaanka hadda jiro uu dalka gaarsiiyo illaa laga helo Baarlamaan badala iyaga.
Ugu dambeyn, Labadii fadhi ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku qaateen Xarunta Golaha Umadda waxaa qorshaha maalinkaasi barbar socday Ururinta Codadka labadan Qodob ay helayaan balse maanta ayaa lagu dhawaaqi doonaa natiijadda codadkii loo helay Inkastoo ay u baahan yihiin 184 cod.
Hiiraan Online, News Desk