Meel Raashinka Xalaasha ah Laga Cuno oo Laga Furay Waddada 3416 Nicollet, Minneapolis, Mareykanka

  

Arbaco, Juun 15, 2016 (HOL)-Fartuun Weli waa qof ka shaqeysa arimaha samafalka ayadoo ah agaasimaha Isuroon oo ah urur saacida dumarka Soomaaliyeed oo ka jira Minneapolis, Mareykanka.

Fartuun waxay dhawaan ka furtay meel yar oo raashinka xalaasha ah laga cuno wadada 3416 Nicollet kadib markii ay arintaa ku fakaraysay sanado dhowr ah.

Waxay in badan hayadeeda Isuroon kala shaqeyneysay dawlada hoose ee Minneapolis sidii meelo raashinka xalaasha ah laga helo looga hirgalin lahaa dhammaan goobaha ganacsiga.

“Waanu u adeegeynaa bulshada.. Waxa aanu ku dhaqdhaqaaqeyno waa bulshada,” sidaa ayay tiri. “Inaan shaqadaan joojino ma ahan wax ka mid ah oraahdeena.” Sidaa ayay raacisay.

Fartuun waxay sheegtay in ay ku dhalisay inay furto meeshaa lagu gado cunnada diyaarsan ee xalaasha ah in bulshada Soomaaliyeed ee caasimadaa ku dhaqan adeegyo ku filan aysan heysan gaar ahaan dhanka raashinka diyaarsan.

Meeshaa ayaa waxaa raashin ka cunay in ka badan 300 oo qof 3dii asbuuc ee ugu horeysay sida Fartuun ay sheegtay.

Dadka Muslimiinta ah ee halkaa ku nool ayaa kasoo iibsaday timir iyo qamadi halkaa intii ay bilaabatay bishaan barakaysan ee Ramadaan.

Maadaama haatan dadkaasi ay sooman yihin, Fartuun waxay sheegtay inay u karin doonto cunno macaan oo habeynkii ay halkaa ka heli karaan.

Shaqaalaha meesha ka shaqeeya ayaa sidoo kale cuntada dadka qaarkii xaafadahooda ugu geeya.

Mustaqbalka ayaa sidoo kale shaqaalaha halkaa ka shaqeeya waxay niyada ku hayaan inay bilaabaan xiisado lagu baran doono cunto karinta.

 

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]