10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2016
SAWIRO: Suxufi Soomaali ah oo xusul-duub ugu jira ku biirista Baarlamaanka Cusub ee Somalia

Arbaco, Juun 15, 2016 (HOL) — Iyadoo dadaal Xoog leh loogu jiro ka mid Noqonshada Baarlamaanka Federaalka Somalia ee lasoo dhisayo Sannadkaan 2016-ka Daba-yaaqadiisa, ayaa Waxaa ka mid Xubnaha doonaya inay ku mid noqdaan, Cabdicasiis Maxamed Xasan (Dhaga-weyne) oo ah Suxufi hore ruug-cadaa ah ayaa sheegay sababaha u uu goostay inuu xildhibaan noqdo ay tahay - inuu wixii xilligaan ka dambeeya khibraddiisa uga faa’iideeyo shacabka Soomaaliyeed.

“Haddii aan mudane noqdo, Waxaan laban laabi doonaa Waxqabadkaygii hore, Waxaanan idiin ballan-qaadaya inaan wax badan ka qaban doono baahiyiinna kala duwan ee aasaaska u ah nolosha dadka iyo deegaanka,“ ayuu yiri Dhaga-weyne.

Musharraxaan ayaa hadalkiisa ku daray. “Waxaan ka shaqeyn doonaan haddii aan ku biiro Baarlamaanka Somalia ee soo socda Horumarka Dalka. Waayo muddo ayuu Dalku Burbur ku jiray, haddana waxaa la joogaa xilligii uu dib u dhismi lahaa.”

Suxufiga ayaa hoosta ka xariiqay inuu ku dhashay Muqdisho 1969-kii, Waxbarashadiisiina uu ku dhameystay Caasimadda Soomaaliya - Sannadihii 1985-kii illaa 1986-kii. Wuxuuna ka mid ahaa asaasayaashii Wargeyskii iyo Maamulihii Wargyskii AYAAMAHA ee kasoo bixi jiray Muqdisho. Sidoo kalena wuxuu ka mid ahaa maamulayaashii hore ee Wargeyskii Qaran.

Dhanka kale, C/casiis Dhaga-weyne ayaa wuxuu maamule ka ahaa sanadihii 2000-kii illaa 2003-dii Iskuul ku yaalla Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya, kaas oo lagu baran jiray Qaybaha kala duwan ee cilmiga Kambiyuutarka. Isagoo ka Qayb-galay Shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay Nairboi.

Musharaxa wuxuu leeyahay khibrado badan oo xagga ganacsiga, Siyaasadda, Saxaafadda iyo isagoo kusoo noolaa muddo ka badan 25-sano Dalal badan oo Asia, Europe iyo Africa ku yaalla oo uu haatan deggan tahay.

Ugu dambeyn, Suxufigan murashaxa ah ayaa wuxuu xilliyadii dambe ee noloshiisa ku jiray Ganacsiga, Wuxuuna Guddoomiye ka ahaa; Shirkad lagu magacaabo - Ossoble and Hassan Transportation Co. - oo ah shirkad Transportation oo faracyo badan ku leh Magaalooyinka Mombasa, Eldoret, Kampala iyo Juba, South Sudan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya