Sawirada labada gabdhood ee ugu da’da yar labada aqal ee baarlamaanka

Cabirka Farta

Talaado, December,  27, 2016 (HOL) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa munaasabadii maanta lagu dhaarinayay xildhibaannada ku soo bandhigay labada labada gabdhood ee ugu da’da yar labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaa oo ku soo baxay doorashooyinkii ay ka qeyb-galleen.

Xildhibaanad Ikraan Aadan Absuge oo laga soo doortay magaalada Cadaado ayaa noqotay qofka ugu da'da yar mudanayaasha baarlamaanka  Soomaaliya sida uu sheegay Prof Jawaari Gudoomiyihii hore dee Baarlamaanka.

Halka dhnaca kale  Fartuun C/qaadir Karaam noqotay gabdha ugu da’da yar xildhibaannada ka tirsan aqalka sare ee dalka, waxaana laga soo doortay Fartuun maamulka Hirshabeelle.

Labada gabdhood ee nasiibka u helay in ay ka mid noqdaan xildhibaannada cusub sanadka 2016ka,waxaa ay ka mid ahaayeen ardeyda wax ka baratay jaamacadaha dalka, iyaga ku soo guuleystay doorashooyinkii adkaa  ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Ugu danbeyntii,  baarlamaanka cusub ee Federaalka ayaa sanadkan waxaa ku jira dhalinyaro badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, dhalinyradan ayaana u badan kuwa ku cusub saaxada Siyaasada dalka , halka qaar kalana ay Dowlada horey ugu soo shaqeeyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]