
Talaado, Diseembar 27, 2016 [HOL]-Madaxweynaha Jabuuti iyo kan Masar ayaa kulmay kadib markii madaxweynaha Jabuuti uu socdaal ku tagay Qaahira dalka Masar.
Labada madaxweyne, waa Ismaaciil Cumar Geele iyo C/Fataax Al-sisi ayaa ka wada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal. Labada dal ayaa waxaa u dhexeeya xiriir soo jireen ahaa oo walaaltinimo ayagoo iska kaashada waxyaabo badan.
Waxaa labada masuul ka wada hadleen sidii xiriirka labada dal ee Jabuuti iyo Masar loo sii xoojin lahaa.
Waxaa sidoo kale labada masuul ay ka wadahadleen xiriirka u dhexeeya dalalka qaarada Afrika iyo dalalka qaliijka Carabta.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]