DAAWO: Ciidamo ka ambabaxay Kismaayo oo duulaan ku ah deegaano ay Al-shabaab uga suganyihiin J/hoose

Cabirka Farta
Talaado, December, 27, 2016 (HOL) -Ciidamada xoogga dalka, nabadsugidda iyo daraawiishta Jubaland oo isgarabsanaya ayaa u dhaqaaqay dhanka deegaanada ku yaal galbeedka gobolka Jubada hoose halkaa oo ay ku xoogganyihiin maleeyshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamadan oo aad u qalabeeysan ayaa ka ambabaxay magaalada Kismaayo, waxaana ay ku wajahanyihiin deegaano hoostaga Kismaayo.

Taliyaha guud ee ciidamada Jubaland Gen. Aadan Goojaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadu ku wajahanyihiin deegaanada Kaamjaroon, Cabdalla Biroole, Beerxaano, Janaa Cabdalla iyo deegaano kale oo hoostaga.

Taliyaha ayaa xusay in ujeedka duulaanku yahay in ay u gurmadaan qaar kamid ah xoolaleeyda gobolka J/hoose oo mudooyinkii u danbeeyay ay dagaallo kala dhexeeyeen Al-shabaab iyo weliba in Al-shabaab laga xoreeyo deegaanada ay uga suganyihiin gobolka J/hoose.

Ciidamada isku dhafka ah, ayaa la arkayaa maanta ilaa shalay ayaga oo ku qulqulaya dhanka deegaanada galbeed ee gobolka J/hoose, waxaana xusid mudan in sidoo kale Al-shabaab ay ciidamo dheeri ah keentay deegaanada galbeed ee gobolka si ay uga hortagaan weerarka.

Xiisado u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada Jubaland ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka taagnaa deegaanada ku yaal galbeedka gobolka J/hoose, ayadoo xiisadahan ay ka danbeeyeen kadib markii deegaano hoostaga Kismaayo uu iska horimaad ku dhexmaray Al-shabaab iyo xoolalay deegaanka ah, waxaana dadka xoolalayda ah gurmad u fidiyay ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland iyo AMISOM.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.