
Talaado, December, 27, 2016 (HOL) - War qoraal oo xalay ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud, ayaa lagu amray guddiga doorashada heer federaal in ay dib ugu laabtaan dib u soo doorashada kuraasta shan xildhibaan oo afar ka mid ah ahaayeen 11kii xildhibaan oo horay ay u laaleen guddiga madaxabanaan ee halinta khlaafaadka, halka todobadii kale ee xildhibaan ee horay loo diiday doorashadooda la fasaxay.
Shanta kursi ee dib doorashadooda loogu laabanayo ayaa waxaa ka mid ah hal xubin oo aan markii hore ka mid aheyn liiska xildhibaannadii ay laaleen gudiga doorashada kaa oo laga soo doortay magaalada Cadaado ee
xarunta dowlad gobolleedka Galmudug.
Hadaba hoos ka akhriso magacyada xildhibaannada dib loogu laabanayo doorashadooda :
1- Cabdi Maxamuud Maxamed Puntland Ugaar Saleebaan
2- Cabdullaahi Maxamed Aadan Jubbaland Beesha Gaaljecel
3- Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Koofur Galbeed Digil Macalin weyne
4- Maxamed C/llaahi Xasan Nuux Hirshabelle Qabiilka Jidle
5- C/qaadir Maxamuud Gaafow Galmudug Murarsade
Dhamaan xildhibaanadii kale ayaa lagu amaray guddiga doorashada in ay siiyaan shahaadooda aqoonsiga, kaddib markii la ogaaday in lagu soo doortay hab waafaqsan sharciga doorashada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]