Xildhibaan ka hadlay xiisad ka taagan deegaanno hoostaga gobolka Sh/dhexe

Cabirka Farta

Talaado, Diseembar 27, 2016 [HOL]-Xiisad ayaa ka dhex aloosan ciidamo ka wada tirsan kuwa dawlada oo ku sugan tuulooyin hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Halkaa ayaa maalmo ka hor ay ku dirireen ciidamadaasi ayagoo ugu yaraan 7 iska dilay. Xiisadaa ayaan wali xal waara loo helin.

Tuulooyinkaa ayaa waxaa ka mid ah Xawaadley iyo Baqdaad, waxaana lagu waramayaa in xiisadan halkaa ka taagan kala hogaaminayaan labo sarkaal oo ka tirsan dowladda.

Mid ka mid ah saraakiishaa ayaa sheegay in darafka kale weerar ku soo qaadeen iyaga ayagoo ka dalbay lacago baad ah,'''Meeshaa ayuu nagu soo weeraray guryo ayuuna dhacay..marka hadii Alle idmo dawlada wax ha ka qabato'. ayuu yiri sargaalka

Dhiaca kale xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in colaadaasi salka ku heyso arimo siyaasadeed.

Waxaa xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa sheegay in colaadaa laga leeyahay dano gaar ah.

'Dagaalkaa ayaa waxaa loo eedeynayaa in labo sargaal oo isla deegaanka ka soo jeeda ay hoggaaminayaan. Laakiin markii arinta aan hoos u eegnay macno kale ayay xambaarsan tahay'. Ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa.

Wuxuu xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ugu baaqay dawlada Soomaaliya in dhibaatooyinka noocaas ah aysan ka aamusin balse ay wax ka qabato.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]