Cayaarihii Fustalka ee HIRDA oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Amsterdam ''Sawirro''

Axad, December, 25, 2016 (HOL) -Waxaa Magaalada Amsterdam ee wadanka Netherlands lagu soo gaba-gabeeyay Cayaaraha Futsalka ee HIRDA AFT 2016, kaasi oo sanadkiiba mar lagu qabto wadanka Holland.

Cayaarahaan oo bilawday 23 December, ayaa waxaa lasoo gaba-gabeeyay 24-December, iyadoona ay ka qeyb qaadanayeen 24 kooxood oo ka kala socday wadamada, Britian, Finland, Sweden, Germany, Norway, Beljium iyo Wadanka Netherlands.

Sidoo kale Cayaarahaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay marti sharaf, ay ka mid ahaayeen Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya Wadamada Benelux iyo xarunta EU-da, Dr. Ali Said Faqi, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Dowladii TFG-da, ahaana xildhibaan ka tirsan DFS, Maxamed Cabdi Yuusf, Agaasimaha Guud ee Hey'adda HIRDA Fatumo Farax, Cayaartoy hore, fanaaniin, iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.

Cayaarahaan oo ahaa mid aad u xiiso badnaa ayaa waxaa maalintii ugu horeysay wareega 1-aad kasoo gudbay illaa iyo 12 kooxood oo ka kala socday wadamada, Norway, Netherlands, Germany, UK, Beljium iyo
Finland. Waxaana xusid mudan in sanadkaan 4 kooxeed ee seminifalka u soo baxeen ay ka kale yimaadeen wadamada Britain, Belgium, Germany & Norway, kuwaasi oo ku wada guuleystey macalinkii ugu wanaagsanaa, ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa, goal-hayihii ugu wanaagsanaa iyo goal- dhaliyihii ugu goalasha badnaa.

Waxaa xusid mudan in kooxihii Holland sanadkan aaney u soo bixin afartii ugu damayey, taas oo kedis ku noqotay taagerayaal farabadan, waxaana ay marag katahay in heer farsamo iyo xirfad sareysa ay la soo
shir yimaadeen cayaarahanada ka yimid wadamada ka baxsan Holland.

Kulankii ugu danbeeyay uguna xiisaha badnaa ayaa waxaa fooda isku daray kooxda Leuven ee ka socotay wadanka Beljium iyo kooxda Waaberi Star oo ka socotay wadanka Britian, waxaana guusha ay raacday kooxda Waaberi Star oo ka socotay wadanka Britian.

Danjire Ali Said Faqi ayaa koobkii kaalinta labaad guddoonsiiyay kooxda Luven ee wadanka Beljium, halka Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Yuusuf uu koobkii sanadka HIRDA AFT 2016
guddoonsiiyay kooxda Waaberi Star ee ka socotay dalka Britian.

Ugu danbeyntii, tartanka oo ku bilawday kuna dhamaaday heer aad u sareya waxaa xusid mudan akhlaaq wanaag iyo ismaqal in ay muujiyeen dhamaan kooxihii kasoo qeyb galay, taasi oo tartanka ka dhigtay mid kusoo idlaaday
sidii loogu tala-galay.

Hiiraan Online News Desk