
Axad, Diseembar 25, 2016 [HOL]-Ururka Peace and Awareness Youth Group -PAY ayaa maanta qabtay xafladii gabagabada koorasyo soo socday bishaan Diseembar oo dhan.
Koorasyadaa ayaa soo bilowday bishaan 8deedii waxaana lagu qabtay meelo badan oo xaafada Islii ah.

Islii waa xaafad Soomaali badan oo kutaal caasimada Kenya ee Nairobi. Waxaa kasoo qeyb galay seminaarkaa oo hawlo ururka PAY uu waday ay garab socdeen rag iyo dumar u badan da' yar.

Saaka ayaa waxaa xafladii xiritaanka dawradaa munadamada [ururka] PAY lagu qabtay hoolka weyn ee shirarka ee Eastleigh Mall ee ku dhow xafiiska bartaan wararka ee Hiiraan Online, isla dhismaha Eastleigh Mall.

Xaflada xiritaanka ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin badan oo ay ku jireen fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo barafasoor Ibraahim Bursaliid.

Waxaa sidoo kale ka hadlay xafladaa masuuliyiin ka socday munadamada PAY. Sheekh Maxamed Cabdi ayaa kula dardaarmay kasoo qeybgaleyaasha inay noqdaan mid kasta qof wax tar u leh bulshada, diinta iyo dalka 'cunsur naafac'.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa jaaizooyin lagu guddoonsiiyay xafladaa arday ayagu intii seminaarku soo socday ku guuleystay abaal marino kadib tartamo la qabtay.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]