
Axad,Diseembar 25,2016 (HOL)- Xisbiga UCID iyo Xisbiga KULMIYE, ayaa masuuliyiinta xisbiga mucaaradka WADDANI ku eedeeyey inay wadanka Kenya kulan kula yeesheen Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, waxaanay ugu baaqeen inay cadeeyaan wuxuu daarnaa kulankaasi.
Xisbiga UCID ayaa sheegay haddii ay cadeyn waayaan kulankaasi in maxkamad la geeyo,isla markaana ay khalad weyn oo ay umadda ka galeen tahay inay Soomaaliya kala hadlaan midnimadda Soomaaliya.

Masuuliyiintan xisbiyadda UCID iyo KULMIYE ayaa sheegay in warkan la kulanka madaxda Waddani iyo Ra’isal wasaaraha Soomaliya uu qoray wargeyska Star ee ka soo baxa wadanka Kenya,isla markaana soo bandhigay sawiro ay ku wada jiraan masuuliyiintan, taasina waxay xaalad ka dhex abuurtay siyaasiyiintii Somaliland oo warbaahinta hadalo isku marinaya.
“waxaan gacanta ku hayaa wargeyska qoray ee STAR ee Kenya ee sheegay in xisbiga WADDANI la kulmay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, arrintaasi waa arrin khatar ah oo qaran dumis ah umadda Somaliland iyo qarankaba meel ka dhac ku ah, ta layaabka leh ee ka dambaysa waxa weeyi ha laba soo qoree, haddii aanay arrintaasi waxba ka jirin waa xisbi qaran oo umada Somaliland cod ka doonayee, waxay ahayd inuu cadeeyo in aanu arrintaasi ku jirin.”ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamed Xasan Khayre Shabaash.

Waxaanu intaas ku daray “waxaan leeyahay arrintaasi haddii aanu WADDANI Jawaab cad ka bixin waa dambi qaran ee maxkamad qaran ha la geeyo, waa dambi ay ka galeen umaddii xisbi qaran ka gashay ee u codeeyey, waa khiyaamo qaran haddii kalena ha cadeeyaan siday wax u dhaceen hadii aanay jirin ul dheer ha iskaga duwaan.”
Dhinaca kale, Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa isna hoggaanka xisbiga WADDANI ka dalbaday inuu caddaymo dheeraad ah ka bixiyo kulankaas oo warbaahinta Kenya qoreen ee sheegay inay kulmeen masuuliyiinta xisbiga WADDANI iyo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya.
“Waxa muddooyinkan dambe bulshada reer Somaliland isweydiinaysay safarkii madaxda xisbiga WADDANI ku tageen dalka Kenya oo ay su’aalo badani ka soo noqonayeen, iminkana ifafaale iyo warar cusub oo warbaahinta dalka Kenya ay qorayaan ayaa ina soo gaadhaya, waxaanay taasi muujinaysaa in guddidaas oo ah hoggaankii xisbiga WADDANI ay la kulmeen xubno ka mid ah dawladda Muqdisho oo uu ka mid yahay Ra’isal-wasaare Cumar Cabdirashiid, kana wadahadleen sidii mustaqbalka haddii uu xisbigaasi ku guulaysto doorashada loola midoobi lahaa Soomaaliya,” ayuu yidhi Md. Xasan Gaadhaafi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu u soo jeediyey hoggaanka WADDANI inay shacabka u sheegeen wixii lagaga wada hadlay kulankaasi qarsoodiga ahaa, “Waxa aynu ognahay in xisbiga WADDANI taageerayaashiisa ballaadhani ay yihiin dad reer Somaliland ah oo ku gawracan qaddiyadda Somaliland, xisbiguna xisbi qaran oo axsaabta Somaliland ka mid ah uu yahay, waxaanuna leenahay hoggaanka xisbiga WADDANI bulshada reer Somaliland iyo taageerayaashiisaba ha u caddeeyo waxyaabihii ay halkaas la tageen, ciddii ay la kulmeen, wixii ay ka wada hadleen iyo arrimaha ay warbaahinta Kenya qorayaan waxa ka jira, intaas wixii ka dambeeyana waxanu warbaahinta soo siin doonaa wixii warar ah ee arrintaas kasoo kordha.”

Haseyeeshee, Guddoomiyaha golaha Wakiladda ahna musharaxa xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in sawiradaasi laga baahiyey ee ah kulanka isaga iyo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya tahay mid samays ah oo kulmiye ka dambeeyo.
“Waxay ku mashquuleen inay sawsiro isku kabkabaan oo ay been ka sheegaan xisbiga WADDANI, xisbiga WADDANI wixiisu wuu cad yahay ama Nairobi ha tago ama wadanka ha joogee wuxuu leeyahay barnaamij siyaasadeed cad ayuu doonayaa inuu dalkan ku hogaaminayo, ceeb baan u arkaa in la yidhaahdo Soomaaliya dibaa loogu celinayaa Somaliland, WADDANI waxba u dhimi maayaan, madaxdiisana waxba u dhimi maayaan ee himiladda shacabka been ka sheegayaan, barnaamijka xisbiga ku taala hadafka koowaad waa gooni isku taagga Somalilland, qaar baa xamar u marmarsoonayaa ha tagaan qaar ka horeyeyba way tageenne”ayuu yidhi Cirro oo ka jawaabayey eedahaaasi loo soo jeediyey.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.