Shirkadda adeegyadda sharciga ee bariga Afrika oo maanta lagu daahfuray magaaladda Hargeysa

Axad,Disember 25,2016 (HOL)- Shirkada adeegyadda sharciga ee Barigga Afrika ayaa maanta lagu daahfuray magaaladda Hargeysa, waxaana ay dadka ka caawin doontaa arrimaha sharciga iyo maxkamadaha.

Shirkadan adeega sharciga bariga Afrika“ East Africa Law-firm firm” ayaa lagu qabtay Hotelka-Ambassador ee Hargeysa, waxaana munaasibadan ka soo qaybgallaya bahda sharciga  iyo garsoorka,Saraakiisha shirkaddan cusub sameeyey, wasaaradda cadaaladda,xeer ilaalinta,gudoomiyaha maxkamadda sare,  maxkamadda ciidamada,Booliska,hay’adaha caalamiga ah,Bahda dhaqanka iyo marti sharafkale oo farabadan.

Agaasimaha shirkaddaasi garyaqaan Shabeel oo kana tirsan ururka qareennada Somaliland ayaaa faahfaahin ka bixiyey adeegyadda shirkadani u qaban doonto bulshadda, waxaanu yidhi “shirkadan cusub ee Easta Africa Law firm sharaf weyn bay u tahay inaad nagala soo qaybgashaan furitaankeedda”

Gudoomiyaha shirkaddan Garyaqaan Maxamed Siciid oo hore usoo maray gudoomiyaha ururka Looyaradda Somaliland ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta u aasaaseen shirkadan cusub, waxaanu yidhi “shirkadda Easta Africa Law-firm waxay noqon doontaa xaruntii lagu tabobarayey dhalinyarada doonaya inay ku shaqeeyaan sharciga, waxaanan siin doonnaa duruustii iyo qawaaniintii sharciga ee looga baahnaa inay lahaadaan dadka ku shaqaynaya mihnaddan sharciga”

 “shirkaddan waxaa aas aasay oo ku midoobay 7 Looyar oo kamid ah kuwii aad horey ugu tiqiineen inay ahaayeen kuwii soo aaas aasay ururka Lawer-rada Somaliland waxaana kamid ah Jaamac Cilmi Xaashi oo ahaa Gudoomiyihii ugu horeeyey ee Lawer-rada,Fawsi iyo qaarkale”ayuu yidhi gudoomiyaha shirkadan cusub Maxamed Siciid.

 “annagu ka xeer ilaalin ahaan waanu ku faraxsanahay furitaanka xafiiska shirkaddan Easta Africa Law-make waanan la shaqayndoonaa” ayuu yidhi Mr Mawliid oo ah xeer ilaaliye ku xigeenka Somaliland.

Cabdiraxmaan Cali Cadami oo ku hadayey afka aqoonyahanka lagu casuumay ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo, isla markaana muujinaysa horumarka ay gaadhay Somaliland in maanta loo xafladeeyo ku dhawaaqidda furitaanka xafiiska shirkaddan cusub.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax oo isna kamid ahaa siyaasiyiintii lagu casuumay ayaa sheegay in magaca shirkadani yahay mid weyn  oo ballaadhan, isla markaana ka tarjumaya hiigsiga dheer ee shirkaddani leedahay, waxaanu yidhi “magacan aad la baxdeen ee bariga Africa waa magac weyn waxaanad samaysateen weel-wayn oo aad ilaahay ku baridaan waxaanan idiin rajaynayaa inuu ilaahay idiin soo buuxin doono”

Abwaan Aadan Tarabi oo ku hadlayey afka Abwaaniinta ayaa isna soo dhoweeyey shirkadan cusub, isla markaana ku amaanay adeega ay dadka doonayaan inay u qabtaan mujtamaca.

Gudoomiyaha Dalladda ay ku midoobeen ururrrada aan dawliga ahayn ee SONSAF Musfate Sacad Dhimbiil oo madashaasi ka hadlay ayaa isna soo dhoweeyey shirkaddan adeega sharci samayn doonta, isla markaana ballanqaaday inay la shaqayn doonaan.

 “shirkaddani cusubi waxay ku soo beegan tahay goorti loo baahnaa, waayo waxaan qabaa inay shacabku baahi badan u qabaan inay helaan halkii ay ugu soo hagaagi lahaayeen sharciga iyo ciddii u qaban lahayd adeegiisaba” ayuu yidhi Mr Timo oo ah xoghayaha ururka looyaradda Somaliland.

 Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga Cabdirashiid Guuleed oo isaguna halkaa ka hadlayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan la shaqaynayaan shirkaddan cusub waxaanu xusay sida saraakiishii ka horeeyeyba u sheegeen inay wada shaqayn dhaw-la yeelan doonaan “waanu soo dhaweynaynaa shirkaddan cusub waayo wakhtigan dadkii baa soo gaadhay xiligii ay sharciga fahmayeen” ayuu yidhi.

Suldaanka guud ee beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan iyo madax dhaqameed kale ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay soona dhoweeyey shirkadan cusub ee adeega sharci bixinta doonta.

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Axmed Xasan Cadarre oo halkaa ka hadlay waxa uu aad u ammaanay xafiiskan cusub ee arrimaha adeegga sharciga ee shirkaddanu kaga dhawaaqday, waxaanu wasiirku sheegay ka wasaarad ahaan inay u baahnaayeen cidd sharciga aqoon u leh sida shirkaddan oo kale oo ay kala shaqeeyaan fulinta adeegga sharciga ee bulshadu u baahan tahay, waxaanu yidhi “anagu ka wasaarad ahaan waanu soo dhaweynaynaa shirkaddan cusub iyo adeeggyadeeda xagga sharciga ah ee ay fulinayso”

Gudoomiyaha Maxkamaddasare Aadan Xaaji Cali Axmed oo soo xidhay xafladda ayaa looyaradan shirkadan wada samaystay ku amaanay kaalinta shacabka u buuxin doonaan, waxaanu yidhi “marka hore waxaan soo dhaweynayaa shirkaddan oo ay ku bahoobeen rag farobada oo aan garanayo oo arrimaha sharcigana aqoon fiican u leh waayo anigu muddo badan baan ku shaqeeyey qareenimo markaa sharciga waan garanayaa”, waxaanu intaas ku daray “waxaan rabaa inaan is dul taago dhawr qodob oo muhiimad wayn u leh guusha shirkaddiina waayo sidaad ogthiin waxaa horey loo furay dhawr shirkadood oo noocan oo kale ahaa balse aakhirkii guul-daraystay markii la fulin waayey adeeggyadii ay shirkadahaasi u baahnaayeen”

 “shirkadaha noocan oo kale qaarkood baa caalamka laga aas aasay 200 oo sanadood ka hor, waayo waa layska dhax laa markaa waa inaad  idinkuna sidaas oo kale maanka ku haysaan inay shirkaddiinu gaadho meel dheer iyo wakhti dheer” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.