Soomaaliya oo ku goodisay in ay mar kale xayiraad kusoo rogi doonto qaadka

Axad, Diseembar 25, 2016 [HOL]-Dawlada Soomaaliya ayaa ku goodisay in ay mar kale xayiraad kusoo rogi doonto qaadka Soomaaliya uga yimaada Kenya.

Arinkaa ayaa imaanaya ayadoo dawlada Kenya aysan dhawrin qodobadii heshiis lagu doonayay in diyaaradaha min Soomaaliya ilaa Nairobi ay toos u yimaadaan.

Haatan waxaa lagu hakiyaa dhammaan diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya garoonka Wajeer. Bilo ka hor markii xayiraad ay Soomaaliya jaadka Kenya kusoo rogtay ayay hadana qaaday kadib markii Kenya ay sheegtay inay ogolaaneyso diyaaradaha Soomaaliya ka imaada inay Nairobi toos u imaan doonaan.

Kenya ayay ahayd inay ogolaaneyso diyaaradaha Soomaaliya ka imaada inay Nairobi toos u imaan doonaan wixii loo gaaro 13ka Diseembar.

Ayadoo maanta la maraayo 25ka Diseembar ayaa dawlada Kenya aysan wali arinkaa wax ka qaban.

Asbuucii tagay saraakiil ka tirsan dawlada Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dawlada Kenya inay ka aamusan tahay wixii lagu heshiiyay oon wali wax laga qaban.

Kenya ayaa haatan u dhoofisa Soomaaliya ilaa 540 diyaaradood mugood oo qaad ah dalka Soomaaliya bil walba.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]