Ra'iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya oo maanta gaaray Kismaayo


Axad, December, 11, 2016 (HOL) - Xilli mudooyinkii u danbeeyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee loolanka ugu jira qabashada hogaanka ugu sareeya ee dalka ay olole ballaaran ka wadeen gobollada Jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa waxaa maanta magaalada lagu soo dhaweeyay Raysul wasaare kuxigeenka xukuumadda waqtigeeda dhamaaday ee dalka, ahna xildhibaan ka tirsan xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka Mudane Max'ed Cumar Carte Qaalib.

Raysul wasaare kuxigeenka dalka ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka Kismaayo, madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Max'uud Sayid Aadan, xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamanka dalka ee dhawaan lagu doortay Kismaayo, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Jubaland iyo masuuliyiin kale.

Raysul wasaare ku xigeenka oo soo dhaweynta kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Kismaayo, isagoo sheegay in uu ka qeybgali doono xaflad sagootin ah oo loo sameyn doono mudanayaasha labada aqal ee lagu doortay Kismaayo, balse wax faahfaahin intaa dheer kama bixin ujeedada safarkiisa.

Mudane Qaalib ayaa la dejiyay aqalka martida ee magaalada Kismaayo, halkaa oo uu kulan ay saxaafaddu dibadjoog ka ahayd kula qaatay madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam.

Kismaayo ayaa waxaa hore usoo gaaray inta badan musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweeynaha Soomaaliya, ayadoo musharax walba uu doonayo in uu ku guuleysto taageerada xubnaha labada aqal ee baarlamanka dalka qeybta Jubaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.