Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Isgaadhsiinta ku Armay inay joojiyaan Baahinta Xayeysiisyada


Axad, December 11, 2016 (HOL) — Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cismaan Saxardiid Caddaani ayaa amar ku soo Rogay in Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland baahiyaan wax xayeysiis ah, maadaama oo aanay liisan u haysan, isla markaana aanay shaqadoodda ahayn in kaalinta warbaahinta qaataan.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu xusay in hora uga hadleen, isla markaana imika ku Wargali-nayaan in ay ku eekaadaan shaqadoodda ay liisanka u haystaan ee Isgaadhsiinta.

“Isgaadhsiinta maaha warbaahin waxay liisamada ku haystaan waa telefoono, marka hore sharci daro tahay in ay ku baahiyaan shirkadaha Isgaadhsiinta haday tahay somtel ama haday tahay Telesom ama mid kalaba, hora waanu kula hadalnahay imika amar baan ku siinaynaa waxa weeyi hawshooda iyo shaqadooda maaha, sharcigii ay rusqadda ku qaateen bay jabinayaan, haday baahin tahay shirkaddo u furan iyo jaraa’id baa furan xayeysiinta, iyagoo ( Shirkadaha isgaadhsiintu) oo lacagtii jeebka umadda ugala soo baxay oo aan waxba reebin haddii ay intii yarayd ee warbaahintana ku darsadaan waxaan leenahay waar dee raali ahaada”ayuu yidhi wasiir Cadaaani oo ka hadlayey fariimaha xayeysiinta ee shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland u diraan dadweynaha.

Dadweynaha, ayaa Khaatiyan ka taagan Farriimo ay Shirkaduhu u soo diraan dadweynaha, kuwaas oo wakhtiyadda habeenkii oo la hortadda dadka ku abuurta sas iyo Naxdin iyadoo wakhti dambe aad arkayso fariin hurdadda ka toosinaysa oo lagu soo dirayo.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland