XAGLO-TOOSIYE: Waxaa la joojiyay Xayeysiinta Caafimaad ee lagu Baahiyo Warbaahinta iyo..,


Axad, December 11, 2016 (HOL) — Wasiirka caafimaadka Somaliland, Saleebaan Axmed Xaglo Toosiye ayaa amar ka soo Saaray in aan Warbaahinta laga sii deyn Karin Xayeysiis Caafimaad oo aan Rusqad ka haysan Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirku waxa uu tilmaamay xayeysiinta caafimaadku ay waxyeelo badan ku hayaan dadkeena iyo dalkeena oo lacago badan lagaga furtay xayeysiis caafimaad oo ay sameeyeen dad aan ehel u ahayn caafimaadka.

“Joojinta xayeysiinta caafimaad ee ka baxa telefishanadda, jaraa’iidadda, idaacadaha iyo fariimaha telefoonadda in la joojiyo haddii aanu xayeysiintaasi rusqad ka haysan wasaarada caafimaadka”ayuu yidhi wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglo Toosiye.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ waxaad la socotaan xayeysiiso badan oo ku saabsan ganacsi oo ku salaysnayd tayo iyo danta qofka muwaadinka ah ee ay leeyihiin waxbaanu u qabanaynaa, xayeysiista caafimaadku waxay keenta in dad badan lagu khaldo oo dhibaatooyin badan ku keento dadka, wuxu noqdo wax la isticmaallo oo dadka lagu dhaco waxay noqotay ganacsi, qaar baa leh waxaanu daweynaa cuduro aan dawaba loo helin, wuxu ku leeyahay shan iyo konton cudcur baan daweeyaa oo ay ku jiraan kuwo illaa hadda caalamkuba dawo u helin, waa wax dadka lagu khaldayo waa wax dadka lacagta lagaga furto “.

Inkastoo caalamka ay mamnuuc ka tahay in la xayeysiiyo caafimaadka, haseyeeshee Somaliland caan bay ku tahay inuu qof kasta uu xayeysiiyo dawooyin iyo goobo caafimaad oo cusub, waxaana dadka uga dhigaa inay tahay meesha kaliya ee ugu fiican xarumaha caafimaad wadanka, taas oo bahda caafimaadku ka digaan in aan la xayeysiis ama dadka aan aqoonta badan lahayni ku hodmi karaan oo dad aan ehel u ahayn furan karaan goobo caafimaad.

Inta badan goobaha caafimaadka ayaa noqdo ganacsi macaash badan laga sameeyo, kuwaas oo dadka lacag badan kaga furta, waxaanu wasiirku uga digay in aan xayeysiis dambe laga samayn caafimaadka, inkatoo horaba u shaaciyey  hadana wali wuu socdaa in la xayeysiiyo.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaan oo wasiirka caafimaadka ku wehelinayey baahinta mamnuucidda xayeysiinta caafimaadka ayaa isna sheegay in aan warbaahinta laga ogolaan doonin in la baahiyo xayeysiis aan rusqad ka haysan wasaaradda Caafimaadka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland