
Isniin, December 21, 2015 (HOL) — Kooxo dabley ah ayaa siyaabo kala duwan Muqdisho ugu dilay maanta laba Ruux oo midkood la sheegay inuu u shaqeynayay Bangiga dhexe ee Somalia; halka ruuxa kale la sheegay inuu ka tirsanaa laamaha amniga dowladda Somalia.
Dabley wadatay gaari ayaa ku toogteen agagaarka carwadii hore ee Muqdisho oo ku taalla xaafada Taleex ee degmada qof la sheegay inuu ahaa sarkaal ka tirsan hay’adaha amniga dowladda Somalia.
Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay C/risaaq Xaaji Maxamed, iyadoo goob-joogayaal ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay ay sheegeen in gaari ay wateen rag hubeysan uu isku hor-jaray garigiisa, kaddibna rasaas ku furay, ruuxana uu isla goobta ku dhintay, kooxihii dilkiisa geystayna ay baxsadeen.
Halka uu dilku ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidan ka tirasn dowladda Somalia; kuwaasoo xiray goobta dilku ka dhacay, isla markaana billabaay baariatanno la xiriira dilka, inkastoo aysan jirin cid ay u qabteen.
Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa isla maanta Xaafadda Nasteexa oo ka tirsan Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay nin lagu magacaabi jiray, Cabdullaahi Muumin oo la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha Bangiga dhaxe ee Somalia, iyadoo kooxaha dilkiisa geystay ay markiiba baxsadeen.
Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo gaaray xaafadda Nasteexo ayaa sameeyay baaritaanno ay ku baadi-goobayeen kooxihii dilkaas geystay oo aan la aqoonsan, mana jirto cid ay qabteen.
Hay’adaha Amniga dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin dilalka kala duwan ee maanta ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo loo geystay laba ruux oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dowladda federaalka Somalia.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmahan dambe kusoo badanayay dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan kooxo hubeysan oo gaadiid wata, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay ka dambeysay dilalkii maanta dhacay, inkastoo dilalka noocan oo kale ah ay intooda badan sheegato Al-shabaab.
Ugu dambeyn, Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii degmada Hodan lagu dilay laba Ruux oo ka tirsanaa shaqaalaha hay'adaha samafalka Qaramada Midoobay iyo kuwa maxalliga ah, kuwaasoo aan illaa hadda la ogaan ciddii dishay. Dhanka kalena Maalin ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha gobolka Galguduud Xuseen Cirfo uu s dirqi ah uga badbaaday weerar la doonayay in lagu Qaarijiyo.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya