Wafdi uu Horkacayo Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta u Ambabaxay Magaalada Baladweyne


Isniin, December 21, 2015 (HOL) —Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay goor-dhow magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, si ay u soo afjaraan colaaddii dhawaan ka dhacday xaafada Hawl-wadaag ee Baladweyne.

Wafdaiga ayaa waxaa ka mid ah xildibaanno iyo wasiirro, waxaana safarkooda uu kuwoo beegmayaa iyadoo shalay guddoomiye cusub loo magacaabay maamulka gobolka Hiraan.

Dhawaan ayay ahayd markii dhinacyadii ku dagaalamay degmadaas ay heshiis rasmi ah kala saxiixdeen, kaasoo ay qayb ka yihiin xabbad-joojin iyo in la kala qaado malleeshiyadii ay dagaalladu dhexmareen.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka socota qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Somalia, Xasan, iyadoo ay noqonayso markii afaraad oo uu madaxweynuhu tago Baladweyne, tan iyo markii madaxnimada Somalia loo doortay sannadkii 2012-kii.

Wixii warar ah ee kasoo kordha booqashada madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxaad kula socon doontaan wararka soo socofa ee HOL haddii Alle ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya