Wafdi uu Horkacayay Madaxweynaha Somalia oo Gaaray Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne


Isniin, December 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu ballaaran oo uu horkacayo ayaa goor-dhow gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kaddib markii ay saakay ka dhoofeen Muqdisho.

Wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen; wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, wasiirka dhalilnyarada iyo cayaaraha, xildhibaannada baarlamaanka ee gobolka Hiiraan kasoo jeeda qaarkood, guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed], wasiir ku xigeenno iyo wasir u dowlayaal iyo  mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan; iyadoo ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa ujeedka socdaalkooda lagu sheegay inuu salka ku hayo dhowr qodob oo ay ka mid yihiin; xoojinta dib u heshiisiinta iyo sidii loo soo afjari lahaa colaadihii dhawaan ka dhacay Baladweyne, Sidii Ammaanka gobolka Hiiraan loo adkeyn lahaa iyo weliba arrinta ku saabsan dhismaha maamulka loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo uu buuq ka taagan yahay.

Wariyaha HOL ee gobolka Hiiraan, C/raxmaan Diini ayaa soo sheegaya in lagu wado inay wafdiga madaxweynuhu maanta la kulman odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan, si uu ugala hadlo arrimaha dhismaha maamulka gobolka oo uu buuq ka taagan yahay, degmada shirka lagu qabanyo.

Sidoo kale, waxaa jira gadood ay ka muujiyeen waxgaradka gobolka Hiiraan in shirka lagu qabto degmada Jowhar ee gobolka Shabeedlada Dhexe, kaddib markii madaxweyne Xasan uu wareegto ku soo saaray shalay in Shirka dhismaha maamulka Labada Gobol lagu qaban degmada Jowhar, caasimadduna ay noqon doonto Buulo-burte.

Haddaba, wixii kasoo kordha socdaalka madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisu ay ku tageen maanta Baladweyne ayaa waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya