Sapp Blatter iyo Platini oo Cayaaraha Caalamiga ah laga Ganaaxay muddo Siddeed Sannadoo ah


Isniin, December 21, 2015 (HOL) — Guddiga anshaxa ee FIFA ayaa muddo siddeed sano ah dhaqdhaqaaqyada cayaaraha ka mamuuncay guddoomiyaha xiriirka FIFA, Sepp Blatter iyo madaxaa xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA, Michel Platini.

Warbixin ay gudigu soo saareen ayay ku sheegeen in tallaabadan ay qaateen kaddib markii laaluush 2-milyan oo doollar ah la ogaaday inay Blatter iyo Platini qaateen sannadkii 2011-kii.

Sidoo kale, dacwad-oogayaasha xukuumadda Switzerland ayaa iyaguna furay baaritaan ay ku sameynayaan lacagtan la sheegay inay sida laaluush ahaanta ah kusoo gashay labadan mas’uul ee la ganaaxay.

Tallaabada lagu gaacanay labada mas’uul ayaa waxay meesha ka saaraysaa in uu Micheal Platini bedelo guddoomiyaha FIFA, Sapp Blatter marka la gaaro doorashada xiriirka FIFA ee bisha Feberaayo ee sannadka soo socda.

Micheal Platini iyo Sapp Blatter ayaa labaduba iska fogeeyay eedeymaha loosoo jeediyay, waxaan la filayaa inay racfaan u qaataan guddiga racfaanka ee FIFA iyo maxkamada dhex-dhexaadinta cayaaraha.

Dhanka kale, Blatter iyo Platini ayaa waxaa saarnaa ganaax tan iyo bishii Oktoobar 2015-ka, sababo la xiriira fadeexaddan lacageed oo kusoo baxday labada mas’uul.

Ugu dambeyn, xiriirka kubadda cagta Dunida ee FIFA ayaa illaa bishii May ee sanadkan waxaa gilgilay fadeexado musuq-maasuq oo dhaliyey in 14 ka mid ah saraakiisha sare ee xiriirka sarkaal xabsiga la dhigo.

Si kastaba ha ahaatee, maalmo ka hor ayay ahayd markii wasaarada cadaaladda ee dalka Switzerland ay shaacisay inay xayirtay akoono ay ku lahaayeen bangiyada dalkaas madax ka tirsan xiriirka FIFA, kuwasaoo ay malaayiin lacago ahi ku jireen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya