
Isniin, December 21, 2015 (HOL) — Booliiska dalka Faransiiska ayaa sheegay in laba qof oo lamaane ah ay u xireen bam macmal ah oo lagu qariyay musqusha diyaarad ay leedahay shirkadda Air France oo shalay si deg-deg ah ugu dagtay garoonka Mombasa, baqdin laga qaaday wax bam u eg oo lagu arkay.
Lamaanahaan ayaa la sheegay in la xiray markii ay diyaaraddu dib ugu laabtay magaalada Paris ee dalka France, iyadoo booliisku aysan bixin wax faahfaahin ah oo intaas ka badan.
Xarigga labadaan ruux ayaa wuxuu imaanayaa kaddib markii rakaabkii sarnaa lagu baaray garoonka diyaaradaha Moi ee magaalada Mombasa-Kenya, kaddib markii diyaaraddu ay si deg-deg ah ugu dagtay garoonkaas shaki laga qaaday inuu bam saaran yahay.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 777 ayaa kasoo duushay jasiirada Mauritius kuna sii jeeday magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska Axadii shalay; balse ay si lama filaan ah ugu dagtay Kenya, markii musqusha diyaaradda lagu arkay wax u eg bambaano.
Sidoo kale, agaasimaha guud shirkadda Air France Frederic Gagey ayaa isagana sheegay in boorsooyinkii ay wateen labadan ruux ee la xiray baaritaanno dheeri ah lagu sameynayo.
Frederic Garey ayaa hadalkiisa ku daray in arrintan ay ahayd mid nasiib-darro ah oo la soo shirkadooda, isagoo intaas ku daray inay wixii hadda ka dambeeya xoojin doonaan amniga rakaabka diyaaradahooda ku safaraya.
Ugu dambeyn, diyaaraddan ayaa sidday 459-qof oo rakaab ah iyo 14-qof oo ah shaqaalihii diyaaradda, waxayna kasoo duushay garoonka diyaaradaha jasiiradda Mauritius ee Afrika shalay, iyadoo duullimeedkeedu ahaa mid toos ah oo ay ugu socotay garoonka diyaaradaha Charles de Gaulle ee magaalada Paris.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya