5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2014
Murashax Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo tanaasulay

Khamiis, Janaayo 02, 2014 (HOL) —
Maxamed Cali Yuusuf (Gaab) oo kamid ahaa murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka Puntland, ayaa maanta magaalada Garoowe kaga dhawaaqay inuu tanaasulay.

Gaagaab oo horay usoo noqday madaxweyne ku-xigeen, wasiirka maaliyadda iyo xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland, wuxuu sheegay inuu u tanaasulay Murashax Cali Xaaji Warsame oo ay isku gobol kasoo jeedaan.

Mar uu maanta magaalada Garoowe warbaahinta kula hadlayey, wuxuu sheegay in dhallinyaradu ay mudan yihiin in fursad la siiyo " Dhaliyaradu waxay mudan yihiin in fursad la siiyo, sidaas darteed waxan go'aansaday inaan u tanaasulo Murashax Cali Xaaji Warsame"

Gagaab oo sii hadlaya ayaa yiri " u tanaasulkeyga Cali Xaaji ma ahan inaan cid kale ku xumeynayo ee isaga ayaan ka arkey in uu buuxin karo booskaas..."

Dhan kale, Murashax Cali Xaaji Warsame ayaa si weyn usoo dhoweeyey tanaasulka uu Murashax Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab isaga u sameeyey. Murashaxiinta kale ee Gaagaab la da'da ah ayuu ugu baaqay inay dhallinyarada fursad siiyaan.

Isu-tanaasulka murashaxiinta ayaa ah mid inta badan la arko xilliga ay doorashadu soo dhowaaato, waxaana si aad ah loo saadaalinayaa in doorashada ay si weyn ugu loollami doonaan afarta murashax ee kala ah: C/raxmaan Faroole, C/weli Gaas, Cali Xaaji iyo Shire Xaaji Faarax.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya