Waqtiga ay dhici doonto doorashada guddoonka Baarlamaanka Puntland oo maanta la shaaciyey


Khamiis, Janaayo 02, 2014 (HOL) — Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta magaalada Garoowe kulan ku yeeshay, ayaa muddeeyey xilliga ay dhici doonto doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku-xigeenkiisa.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Cali Axmed Cismaan ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenkiisa la dooran doono maalinta Sabtida ee ay taariikhdu ku beegan tahay [Janaayo 4, 2014]

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale shaaciyey magacyada guddi xildhibaano ah oo loo xil saarya doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo iyaduna dhici doonta [Janaayo 8, 2014]

Xildhibaanada guddigaas xubnaha ka ah waxay magacyadoodu kala yihiin sidan:
  1. Saadiq Abshir Garaad- Guddoomiye
  2. Axmed Jaamac Cabdulle - xubin
  3. Cumar Maxamuud Irbad - xubin
  4. Xassan Siciid Xaaji Xasan - xubin
  5. Maxamuud Faarax Warsame -xubin

Shalay ayey ahayd markii munaasabad ballaaran oo ka dhacday Xarunta Baarlamaanka ee Garoowe lagu dhaariyey 66-da xildhibaan ee shanta sano ee soo socota kamid noqon dooona Golaha Wakiillada ee Maamulka Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya