Munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay boqol dhallinyaro ah oo wax la baray oo lagu qabtay Laascaanood (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 02, 2014 (HOL) — Boqol arday oo dhameystay waxbarashada dadban iyo dhaqan bedelka ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey magaaladda Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Munaasibadan oo ay kasoo qayb galeen bulshada qaybaheed kala duwan, maamulka degmada, waaliddiinta, ururro iyo hay'ado ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorshaha labaad ee ay ardaydan oo isugu jirta wiilal iyo gabdho u gudbi doonaan oo ah in la baro xirfado ay ku shaqaystaan.

Ardaydan oo ay gacan ku hayntooda ma’suul ka ahaayeen guddiga horumarinta gobolka oo kaashanaya hay'adda UNDP ayaa waxaa halkaasi ka hadlay, Faarax Aadan Yuusuf oo ka warbixiyay xiliyadii kala duwanaa ee ay soo mareen iyo sidii ay dhallintan ku keeneen, isagoo xusay inay ku guulaysteen aflixinta 100 ruux oo jahli qarka u saarnaa.

Guddoomiyaha degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, C/qaadir Jaamac Saalax Xuuxuule oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa u mahad-celiyey hay’adaha iyo guddiga heerkan soo gaadhsiiyey barbaartan, waxaanu dhinaca kale ku eedeeyey dad uu sheegay inay magaaladda Laascaanood ku tilmaamaan dhul aan deggenayn; isagoo hay’adaha mashaariicda bixiya ka dalbaday in degmooyinka kale ee gobolka lagu daro barnaamijka lagu horumarinayo bulshada.

Ibraahin Xariir Diiriye oo ka socday hay'adda waddaniga ah ee HAVAYOCO ayaa isaguna sheegay inay maanta la wareegeen 100 arday, sarkaalka ayaa ku dheeraaday inuu ka dhaadhiciyo ardaydaas in haatan ay soo istaageen albaabkii aqoonta loona baahan yahay inay ka faaiidaystaan, waxaanu xusay in kuwii ay hore u tababareen ay noqdeen kuwii kaalinta koowaad galay deegaannada ay hawlahaas ka wadaan.

Isku-duwaha wasaaradda haweenka gobolka Sool, Shukri Ducaale Xayir oo iyaduna ka hadashay xafladda ayaa wax lagu farxo ku tilmaantay guusha laga gaaray barnaamijkan, waxayna si gaar ah u tilmaantay hablaha oo ku dhowaad 40 ahaa taasoo ay sheegtay inay kor u soo keceen ayna rajeynayso inay is le’ekaadaan wiilasha iyo gabdhaha.

Dhammaan dadkii halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qorshaha dhaqan bedelka barbaarta oo ay ku tilmaameen inuu wax weyn ka tarayo joojinta da'yarta barakacsan.

Mashruucan ayaan ahayn kii u horreeyey ee dhalinta gaftay waxbarashada loogu samaynayo aqoon iyo xirfad ay ku shaqeystaan, iyadoo la sheegay in mashruucan uu yahay mid wax weyn ka taraya hoos u dhaca tahriibka oo noqotay dilaaga ugu daran ee haatan naafeeya barbaarta Soomaaliyeed.





Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool