Xisbiga Hiil-Qaran oo War-murtiyeed ka soo saaray Xaaladda guud ee Dalka Soomaaliya kana hadlay Dowladda Federaalka


Khamiis, Janaayo 02, 2014 (HOL) — Xisbiga Hiil-Qaran oo ka mida ahaa xibiyadii siyaasadeed ee ka qaybgalay doorashadii madaxnimo ee dalka ka dhacday sannadkii 2012 ayaa wuxuu soo saaray warmurtiyeed uu kaga hadlayo xaaladda uu dalku ku sugan yahay.

Warmurtiyeedka oo uu ku saxiixnaa gudoomiyaha xisbiga, Ibraahim Macallin Mursal ayaa waxaa lagu faaqiday arrimaha siyaasadda, dagaallo beeleedyo ka dhacay deegaanno ka tirsan Soomaaliya iyo weliba arrimaha maamul-goboleedyada.

Haddana War-murtiyeedka xisbiga Hiil-Qaran wuxuu u qornaa sidan:

1. Arrimaha Siyaasadda:

A. Isbeddelka xukuumadda oo la filayay, waxaa lagu hanweynaa inay noqoto mid sare u qaaddo rajada laga qabo inay noqoto tii dalka gaarsiin lahayd yoolkii la bartilmaameystay sannadka 2016 oo ahaa in ay dhameystirmaan hawlihii qabyada ahaa oo lagu gaaro hamigii ahaa in xilligaasi ay ka dhacaan waddanka doorasho guud (hal qof, hal cod). Iyadoo dalka amnigiisa guud ahaan la dejiyo, dastuurka iyo xeerarka kale ee la xiriira arimahaas oo la dhameystiro.

Hase yeeshee sida muuqato la doonayo in lasoo dhiso xukuumad ujeeddadeedu tahay in kuraas lagu qaybiyo qabiil. Arintaas oo noogu muuqato in TAYO iyo wax-qabad lagu bedeshay TIRO iyo raaligelin REER. Tan kale xukuumaddii koobnayd ma aysan wada-haysan xafiisyo ay ku shaqeeyaan iyo guryo ay degaan. Waxaa abuurmayo oo keliya magacaabis mas'uuliin aan hawl lahayn. Waxaa kaloo la yaab leh in maamulladu ay si gaar ah u sameysanayaan wasiiro iyo golayaal taasoo naga dhigi doonto dad wada wasiirro ah. Arimahaas oo dhan waxay mugdi gelinayaan in la gaaro sanadka 2016-ka yoolkii la bar-tilmaansaday oo ah in nabad buuxdo dalka la gaarsiiyo si ay u suurta gasho doorasho guud dabadeedna dib loogu laabto KMG-nimo oo la yiraahdo waqti ha naloogu daro.

Haddaba, Xisbiga HQ waxaa la habboon in xoogga laysugu geeyo sidii loo dhameystiri lahaa hawlaha harsan oo ah sugidda amaanka iyo doorashooyin guud oo aan lagu mashquulin intayar oo waqtigaas ka hatay (2014 iyo 2015), hawlaha ay soo wadeen bulshada rayidka ah (waxbarashada - caafimaadka - wax soo saarka), laakiinse loo hagaajiyo kabayaasha ay u baahan yihiin. Waxaase loo baahan yahay in xoogga la saaro sdii bartilmaameedka 2016ka loo hanan lahaa.

B. Golaha BAARLLAMAANKA waxaa lagama maarmaan ah in uu doorkiisa iyo mas'uuliyaddiisa si qota dheer ah uga fakaro. Waa xilli xasaasi ah ay TAARIIKHDU qormeyso. Shuruucda iyo xeerarka ay Ummadda u dejinaayaan ALLAH uga baqaan, in halbeeggooda uu ahaado saldhig sharci ama xeer DADKA SOMAALIYEED MIDEYA EE ISKU KEENA. In layska ilaaliyo dejinta amase oggolaanshaha shuruuc amase xeerar shacabka somaliyeed kala faquuqaya ama kala qeybqeybinaya oo wax u dhimaya midnimada iyo wadajirka dadka iy dalka.

Inaan ummadda loo xeerin nidaam dhiragelinaayo in dib loogu laabto xilliyadii umadda oodda lagu kala mooreynnaayay. GOBALKA CIDDAAN U DHALAN, ha ka baxdo, wax muwaadinka somaliyeed qabato ma aha, hase yeeshee shuruuc iyo xeerar aysan somaalidu isir iyo dhaqanna toona u lahayn aan lagu marin habaabinin shacabka somaliyeed oo Gobta ah. Barlamaanka waxaa looga fadhiyaa inuu isugu geeyo wixii karaankiisa ah oo dhan inuu dedejiyo dhameystirka iyo sixidda DASTUURKA iyo Dejinta shuruucda kale saamaxaysa qabsashada doorashooyinka sanadka 2016. Halkaas waxaa inooga muuqato baarlamaanka in uu ku leeyahay door MASIIRI ah.

2. Arimaha Maamul Goboledyada.

A. Xisbiga HiilQaran wuxuu aad uga walaacsan yahay ifafaalaha degganaansho yarida laga soo sheegaayo hannaanka doorashooyinka iyo qabanqaabada loogu jiro ee maamulka Puntlland. Waxaana dhinacyada ku tartamaayo iyo taageerayashoodaba lagu guubaabinaya in si deggan ay wajahaan, kana ilaaliyaan qoyska wada deggan kala furfurid iyo isku dhac uttun reebta. Musharraxiinntana waxaa looga fadhiyaa inay adeegsadaan caqliga oo ay iska ilaaliyaan caadifad iyo in walaaaha aysan u adeegsanin danahooda dhow.

B. Xisbiga Hiil-Qaran wuxuu u arkaa dagaalada beeleed ee ka soo cusboonaaday gobollada dalka

qaarkooda oo loo adeegsanaayo magac qabiil oo umadd weligeed isku dhex nooleed lagu marin habaabiyo, arrin xanuun badan oo hakinayso horumarkii iyo qarannimadii la tiigsanaayay. Xisbiga Hiil-Qaran wuxuu sii xoog leh uga soo horjeeda Dagaal dhexmara UMADA soomaliyeed ee walaalalaha ah Waxa kale uu codsi u gudbinayaa Mujtaca degan, deeganadaas in ay arimhaas ku xaliyaan si wadahadal iyo Nabadeyn ku dhisan, DOWLADUNA ay ka ciyaarto door nadbadeed.

Ugu dambeynntii waxaan u rajeynaynaa dhamaan inta ummadda xil u hayso in sanadka cusub ee 2014 inay u noqoto sanad isfahan iyo muwaafiqo, shacbiga Soomaaliyeedna in ILAAHEY ka badbaadiyo musiibooyinka, colaadaha, abaaraha daadadka, dabeelaha iyo duufaannada sanadkana uga dhigo mid ammaan, caddaalad ,horumar iyo hogaan suuban ay ku naalooddaan ALLAH uga dhigo

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya