Khamiis, January 02, 2014(HOL) :- Buur laga qodo carro kaawada loo isticmaalo dhismayaasha ayaa maanta kusoo duntay shaqaalihii ka shaqeynayay, iyadoona ay sababtay dhimashada shan qof.
Shaqaalaha ay buurta kusoo duntay ayaa xilligii uu shilku dhacayay waxa ay rarayeen gaadiid nooca iska rogaha loo yaqaan, waxaana gabi ahaanba ay buurta ka saro martay gaadiidkii iyo dadkii rarayay.
Mid kamid ah gaadiidleyda ka shaqeysa halkaasi oo lagu magacaabo Jooloqo ayaa HOL u sheegay in shan qof oo kamid ah shaqaalihii goobtaasi ka shaqeyay ay ka hoosmareen carrada, waxaana meydadkooda la helay laba kamid ah dadkaasi.
Goobta ayaa waxa ku sugan dadweeyne aad u fara badan, waxaana sidoo kale soconaya dadallo la doonayo in lagu soo saaro meydadka weli ku hoos duugan buurta soo duntay.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo goobta gaaray ayaa wax laga naxo ku tilmaamay dhibaatada maanta ka dhacday halkaasi, iyagoona tacsi u diray ehellada dadkii ku waxyeeloobay halkaasi.
Masuuliyinta goobta ka hadashay waxaa kamid ahaa wasiirka arimaha Bulshada Macalim Max'ed Ibraahim, wasiirka arimaha gudaha, Max'ed Warsame Faarax (Darwiish) iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Jubba.
Buuraha laga qodo carra kaawada ee ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo ayaa ah kuwo aad u qatar badan, waxaana marka aad booqato aad arkeysaa shaqaale ku hoos jira buur carro ah oo hoos ka qodan, taasoo halis u ah in ay kusoo dunto.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo shil caykan oo kale ah uu ka dhaco buuraha dhagaxjabinta loo yaqaan ee duleedka Kismaayo, haseyeeshee waxaa jirtay mar sidan oo kale ay buur kusoo duntay shaqaale ka shaqeynayay halkaasi, taasoo ay ku nafwaayeen laba qof.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Magaalada Kismaayo: Shan qof oo ku dhimatay Buur kusoo duntay
More News
- Magacyada Xildhibaannada u sharraxan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland
- Saddex ruux oo lagu la’yahay dab ka kacay dhisme ay deggenaayeen dad u badan Soomaali oo ku yaalla Magaalada Mineapolis
- Axmed Garaash iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo kulan ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland
- Xisbiga Hiil-Qaran oo War-murtiyeed ka soo saaray Xaaladda guud ee Dalka Soomaaliya kana hadlay Dowladda Federaalka
- Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay weerarradii Ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday Hoteelka Jasiira ee Muqdisho
- Murashax Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo tanaasulay
- Waqtiga ay dhici doonto doorashada guddoonka Baarlamaanka Puntland oo maanta la shaaciyey
- Hay’adda EFASOM oo qabatay tababar ku saabsanaa sidii loo sameyn lahaa Qorshe ku wajahan Waxbarashada Naafada (SAWIRRO)
- RA’IISUL WASAARAHA SOMALIA “Weerarkii hoteel Jasiira wuxuu xoojinayaa dagaalka lagula jiro Kooxaha Argagixisada ah”
- Munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay boqol dhallinyaro ah oo wax la baray oo lagu qabtay Laascaanood (SAWIRRO)
- Saraakiil ka tirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya oo ku dhintay Qaraxyadii lagu Weeraray Hoteel Jasiira iyo Al-shabaab oo sheegatay