Sabti, May 31, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta kulan ka yeeshay arrimo badan oo ay ka mid tahay sidii lagu xoojin lahaa ammaanka, isla markaana looga hor-tegi lahaa hagar-daamooyinka ay Al-shabaab maleegayso.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah ku-xigeennada maamulka gobolka, guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, iyagoo ka warbixiyay xaaladda degmooyinka gobolka uu ka kooban yahay.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo qaaday arrimo dib loogu soo celinayo bilicda Muqdisho oo ay ugu horreeyaan dayactirka jidadka waaweyn ee Muqdisho, waxaana la isku af-gartay in dib u habeyn lagu sameeyo nalalka cad cadeedda ku shaqeeya, kuwooda aan shaqeyn, maadaama qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka ay dhawaan kormeer ku sameeyeen nalalkaas.
Muun-gaab ayaa ku boorriyay xubnihii kulanka ka qayb-galay inay adkeeyaan howlaha loo id-maday, isagoo xusay in maamulkiisu uu xoogga saari doono ka shaqeynta iyo xoojinta amniga, horumarinta bilicda caasimadda iyo arrimo kale.
Kulankan ayaa qayb ka noqonaya kulammo uu maamulku ku doonayo in lagu dar-dar-geliyo howlaha horyaalla, iyadoo ay jiraan in Muqdisho ay xilliyadii ugu dambeeyay kusoo kordhayeen qaraxyo ay Al-shabaab geysanayso.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya




